Heesta Maanta :La Jihaada Amxaarada
Halkaan ka akhri
Muqdisho Talaado (Somaliswiss) 19.06.2007
Qarax xoogan oo ahaa mid lagu aasay dhulka ayaa lala beegsaday Kolonyo baabuur Ciidamada Ethiopia ay wateen ayaa goor dhaweyd ka dhacay kuliyada jaalle siyaad wadada Warshadaha, ee magaalada Muqdisho iyadoo qaraxaasi uu lakacay gaari Ural ah oo ay lahaayeen Ciidamada Ethiopia kasoo sida lasheegay la arkayay isagoo holcaya.
Qaraxaasi kadib ayaa Ciidamada Ethiopia waxa ay si xad dhaaf ah u fureen xabado ayan umeel dayin kuwaasoo dilay inta laxaqiijiyay illaa iyo hada 7 ruux oo shacab ahaa.
Warar hordhac ah oo aanu helnay ayaa sheegaya in qaraxaasi uu haleelay gaari Ural ah oo ay kabuuxeen Ciidamo Ethiopian ah kasoo sida lasheegay si xun uholcay kadib markii ay qabsatay miinadii dhulka loogu aasay.
Qaraxaasi ayaa dhawaqiisa laga maqlayay meelo kala duwan oo kamid ah caasimadda Somaliya ee Muqdisho, iyadoo dadkii ka agdhowaa gabigoodba faarujiyay wadooyinka.
Xaaladda deegaankaasi ayaa iminka kacsan sida wararka aanu ka helayno, iyadoona aysan jirin socotaa wadooyinka deegaankaasi marka laga reebo Ciidamada Ethiopian-ka.
SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.