Heesta Maanta :La Jihaada Amxaarada
Halkaan ka akhri
Kismaayo Talaado (Somaliswiss) 19.06.2007Â
Wararka ka imaanayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in labadii Maleeshiyo beelleed oo horay ugu dagaallamey degmada Kismaayo ayaa waxaa uu mar kale dagaal kudhex marey maanta deegaan ku dhow degmada Kismaayo oo ay isku hor fadhiyeen labadii bilood ee hore . Â
Dagaalkan oo Billowdey 12kii duhurnimo ee maanta ayaa waxaa uu ahaa mid aad u qaraar sida ay ku waramayeen ilo wareedyo ku sugan degmada Kismaayo. Â
Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha rasmiga ah ee soo gaarey labada dhinac, hasa yeeshee waxaa jira dhimasho iyo dhaawac soo gaarey labada dhinacba, oo aan la caddeyn. Â
Dagaalkan ayaa waxaa uu socdey muddo 30 daqiiqo ah isagoo ka dhacey tuulada lagu magacaabo Yoontooy oo 28 Km u jirta dhinaca W/ Magaalada Kismaayo Xarunra G/ka Jubada Hoose. Â
Waxaa jira dhaq dhaqaaqyo laga kala wado deegaanada Buulo gaduud iyo Kismaayo oo Malleshiyadan labada dhinac ay ku kala sugan yihiin.Â
SomaliSwiss wakiilka Kismaayo
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.