Tunnelka Saddexaad ee Caalamka ugu dhirar badan ee ay isaga gooshaan Tareennada Qaaradda Yurub oo shalay laga furay dalkan Switzerland.

Tunel

Halkaan ka akhri

Zürich Lötschberg (SomaliSwiss) 16.06.2007

“Tunnelka Lötschberg waa qaab dhismeedka Yurub”,sidaas waxaa yiri Maanta oo jimca ah Mudane Jacques Barrot oo ah Gudoomiyaha Gaadiidka ee Midowga Yurub oo ka hadlay munaasabadda Tunnelka isku xira dalalka reer Yurub,waxaana furitaankaas goobjoog ka ahaa Marti sharaf ka kala yimaaday Qaaradda Yurub. Tunnelkan Cusub ee tareennada xamuulka loogu talagalay ayaa wuxuu isku dalka Switzerland iyo dalka Taliyaaniga iyo Qaaradda inteeda kale, waana Tunnelka 3aad ee ugu dhirir badan Caalamka, wuxuna Swiss-ku u naqonayaa dhagax qaali ah oo ka mid ah Siyaasadda kala beddelashada Badeecooyinka Yurub ee u soo marta waddooyinka Swiss-ka.

“Waxaa mahad mudan kaalinta tunnelkan ka qaadan doono yareynta Zaxmada ama ciriiriga gaadiidka isaga goosha qaraadda, wuxuuna Swiss-ka u furantay siyaasadda Cusub, sidaas waxaa caddeeyey Mudane Barrot, mar uu la hadlayey Marti sharafta lagu casumay furitaanka Tunnelkaas ayaa tiradoodu gaaraysaa 1200 qof Oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Gaadiidka ee wadamada Reer Yurub.

Waxaa kaloo xafladda furitaanka ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee Dawladda Federaalka Swiss-ka Mudane Moritz Leuenberger, wuxuuna sheegay in shacabka Swiss-ka si aad uga faraxsan yahay samaynta Mashruuca Tunnelkan, waayo waxaa ka sii yeraanaya Qaaca ka baxa baabuurta waaweyn ee soo dhex mara jiray Madaalooyinka Swiss-ka, tani waxaa looga gaashaamanayaa hawada oo wasaqowda, sidaas awgeed Switzerland waxay go’aansatay inay xoog ku muquuniso Buuraha waaweyn iyo kuwa dhaareerba, kana sameyso waddooyin sahla isu socodka gudaha Swiss-ka iyo wadamada ku wareegsanba.

SomaliSwiss Wakiilka Zürich

Xigasha Swissinfo

Tarjume:- Dhicisow

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: