Warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Xaquuqda Aadanaha ee dalka Soomaaliya oo maalinta Jimcaha ah lagu soo bandhigi doono Magaalada Genevé ee dalka Switzerland.

Heesta Maanta :Waxa iidaran dayaxdiin

alnajjar1.jpgun-geneva.jpg

Kalkaan ka akhri

  

Genevé Arbaco (SomaliSwiss) 13.06.2007

War aan ka helnay Xarunta labaad QM ee ku taalla Magaalada Genevé ayaa sheegay in lagu soo bandhigi doono Maalinta Jimca ah ee 15.06.2007da, warbin ku saabsan xaaladda guud Xaquuqda Aadanaha ee dalka Soomaaliya gaar ahaan ku xad gudubka xuquuqda aadanaha iyo Xasuuqii uga dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqddisho bilihii tegay, waxaana la sheegay inay sii dareyso xadgudubyada ka dhanka ah dadka Soomaalida ah, gaar ahaan kuwa reer Muqdisho.

Khabiirka dhinaca Xuquuqda aadanaha ee QM Dr. Ghanim Alnajjar ayaa golaha xuquuqda aadamaha ee fadhigiisu yahay magaalasa Geneva waxa uu ku yiri in duruufaha iminka ka jira Somalia, ay ka xun yihiin kuwii sanadii 2006 loo gudbiyay Golaha ka kooban 47 xubnood.

“xaaladda Xuquuqda aadamaha Somalia waa ay sii xumaaneysaa, ayada oo boqolaal kun oo qofna lagu qasbay inay guryahooda ka qaxaan, halka kuwa kalena ay bartilmaameed u noqdeen, hanjabaado, kufsi iyo rabshado” ayuu yiri Dr. Alnajjar.

Xad gudubyadaasi ayaa dhacay sida uu Alnajjar yiri intii u dhaxeysay December 2006 illaa april 2007, xiligaais oo Muqdisho madaafiic lagu garaacay.

Waxa uu yiri in dadkii ku dhaawacmay madaafiicdaasi laga xanibay inay tagaan goobaha caafimaadka ayna helaan gar gaarka ay u baahan yihiin.

waxa uu yiri in kumanaan qof la dilay ama la dhaawacay intii lagu guda jiray waqtigaasi, islamarkaana QM ay qiyaaseyso in 400,000 qof lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda magaalada Muqdisho.

Dr. Ghanim Alnajjar ayaa ka codsaday beesha caalamka inay taageeraan hogaamiyayaasha Soomaalida iyo ururada bulshada rayidka si ay sare ugu sii qaadaan difaacadda Xuquuqda Aadamaha.

SomaliSwiss Genevè

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: