Madaxweynaha Kaltanka Konfederaalka Swiss-ka Marwa Micheline Calmy-Rey oo booqasho rasmi ku tagtay dalka Spain.

Heesta Maanta :Waa laguursadayee

zabatero.jpg

Kalkaan ka akhri

Zürich Arbaco (SomaliSwiss) 13.06.2007

Swiss-ka iyo Spagna ayaa doonayo inay xoojiyaan Xiriirkooda wax wada qabsi,sidaas waxaa shaaca ka qaaday Haweynayda ah Madaxweynaha Kaltanka ee Konfederaalka Switzerland Marwa Micheline Calmy-Rey oo booqasho rasmi ku tagtay dalka Spagna.

Marwa Calmy-Rey ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey dalka Spagna inta ay booqashada ku joogtay.

Labadan Dowladeed ayaa waxay heshiis ku ahaayeey inay isu gudbiyaan Maxaabiista ay hayaan labada dowladood iyo weliba dagaalyanka Kolombiya.

Sidoo kale waxay labada dowladood rabaan in si wada jir ah uga wada shaqeeyaan Nabad ku wada noolaanshaha dadka Reer Kolombiya oo muddo aad u fog ka socda dagaal aan micna lahayn ee ay ku nafwaayeen dad aad u fara badan.

Warmurtiyadeed ay soo wada saareen Marwa Calmy-Rey oo madaweyne sharafeedka dalna Swiss-ka isla markaasna ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Raisu-wasaaraha dalka Spagna Mudane Zapatero, waxay si wada jir ah isuga afgarteen inay ka wada shaqeyn doonaan arrimaha Bani’aadannimada iyo in dagaalyahannada ETA ay si afgarad oo cilmi ku dhisan hubka loogu dhigo, isla markaasna lagu beddelo wax labada dhinacba qancin karo, si loo fududeeyo waxna loogu beddelo xaaladda qallafsan oo sanooyin badan dad badan ku nafwaayeen.

SomaliSwiss Zürich

Xigasho Swissinfo

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: