Cali Mahdi Maxamed oo ku dhawaaqay in dib loo dhigay shirka dib u heshiisiinta qaran ilaa 15ka July bisha soo socota.

Heesta Maanta :Nin ku aaminoo kuu Isxaamee

cali_mahdi_maxamed.jpg

Kalkaan ka akhri

Muqdisho Arbaco (SomaliSwiss) 13.06.2007

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabinaya shirka dib u heshiisiinta qaran Cali Mahdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay shirka dib u heshiisiinta qaran ilaa 15ka july.

Dib u dhaca shirka dib u heshiisinta ayaa yimid xilli maalin qura ay ka harsan tahay 14ka june oo ah xiligii la iclaamiyay shirka dib u heshiisiinta, waana dib u dhicii labaad ee ku yimaada shirkaasi.

Cali Mahdi Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dib udhaca uu ugu wacan yahay wax uu ugu yeeray codsi uga yimid qabaa’ilada Soomaaliyeed oo aan weli soo dhameystirin ergadii uga qeyb gali lahayd shirka.

Cali Mahdi oo ka meer meerayay su’aalihii saxaafada ay weydiisay ayaa ku gaabsaday in guddigiisa uu dadaal xoogan uu ugu jiro sidii shirka uu u noqon lahaa mid mira dhal ah, isagoo tilmaamay in ay tix gelinayaan talada qabaa’ilka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa si weyn u mucaaraday Odayaasha Beelaha Hawiye ayagoona sheegay in ay kaqeyb gali doonin shirkan lasoo dhoodhoobay oo aan xorta loo aheyn Qabaa´il isdagaashanna ayan jirin ee loo baahan yahay xaqiiqda shirka banaanka lasoo dhigo ee aan dadka lamarin habaabin oo wax aan jirin lagu mashquulin.

Sidoo kale Cali mahdi ayaa isna shirka jaraa´id kasheegay in ayan Odayaashan isku sheegaya Odayaal Hawiye ay matali karin Beelaha ay sheeganayaan balse ayuu yiri Cali Mahdi waxaa nasiib darra ah in ay dad sidaas oo kala ah isku dayaan in ay carqaladeeyaan shirka waxaanna uga tacsiyeeynayaa shacbi weynaha ay sheegayaan iney matalaan.

Dib u dhaca shirka dib u heshiisiinta ayaa ku soo aaday xilli shirkaasi ay qaadaceen MMI iyo xubnaha baarlamanka xorta ah ee mucaaradka ku ah dfkmg kuwaasoo ku tilmaamay shirka dib u heshiisiinta mid lagu taageerayo dfkmg iyo dawladda Ethiopia.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdihso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: