Dagaal shalay & maanta socday kadib oo ay taageerayaasha Indha_Cade kula wareegeen gacan kuheynta Degmada Qoryooleey.

Heesta Maanta :Soomaaliyeey ToosooMujaahidiinta

Halkaan ka akhri

 

Marka_Cadeey Sabti (SomaliSwiss) 09. Jun 2007

 

Ciidamo taabacsan maamulkii hore ee gobolka shabellaha hoose ee (Indha Cade) ayaa maanta la wareegay gacan kuhaynta degmada Qoryeeleey kadib markii dagaal culus ay la galeen ciidamo taabacsan maamulka cusub ee dhawaan gobolka Shabellaha hoose ay usoo magacvowday Dowlada KMG ah.

Qabsashada degmada Qoryeeleey ayaa waxa ay ka danbeysay kadib markii xalay iyo saaka uu dagaal ka dhacay degmada Buulomareer kaasoo salka ku hayay gacan ku haynta degmada ayadoo si awood leh looga saaray ciidamada maamulka cusub ee gobolka Shabellaha hoose.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka cusub ee gobolka Shabellaha hoose iyo Dowlada KMG kaba, hase yeeshee wararka laga helayo degmada Qoryeeleey ayaa xaqiijinaya in ciidamada taabacsan maamulka cusub awood looga saaray degmada Qoryeeleey.

Lama garanayo dhimashada iyo dhaawaca uu gaystay dagaalka culus ee ka dhacay degmada Qoryeeleey kaasoo saameyn ku yeeshay dadka ku dhaqan degmada, laakin waxaa lagu soo warramayaa in xaaladu ay haatan degan tahay ayadoo halkaasi ay gacanta ku hayaan Ciidamo taabacsan Hogaamiyihii hore ee (Indha _Cade).

 

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

 

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: