Aaska Madaxweynihii hore Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan oo heer Qaran loo Aasi doono Isniinta,isagoo lagu sharfay in loogu magacdaray Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho oo weli ay ka taliyaan Ciidamada calooshood u shaqaystayaasha ah ee Itoobiya.

Heesta Maanta : Gumeysigii waa dhacay

Kalkaan ka akhri

Muqdisho Sabti,(SomaliSwiss) 09. Jun 2007

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho shir aan caadi ahayn ka yeeshay Golaha Wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo aasayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan oo shalay gelinkii dambe ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, waxaana kulanka golaha Wasiirrada lagu go’aamiyeen:-

          In aas Qaran loo sameeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, isla markaana lagu aaso Qabuuraha Jen. Daa’uud ee Magaalada Muqdisho, bacdamaa sida la yiri uu buuxsamay Qabuurihii Qaranka.

          In Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu sharfo oo loogu magac daro madaxweynihii hore ee Soomaaliya, isla markaana loo bixiyo Aadan Cadde International Airport.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa sheegay in meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya maalinta Isniinta ah ee soo socota la keeni doono Magaalada Muqdisho,isla markaana aas Qaran loo sameyn doono, wuxuuna caddeeyay in ay  isku af-garteen ehelada marxuumka iyo madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,in Tacsiyada laga dhigo heer Qaran,waxaase Nasiib darro ah,in Garoonka diyaaradaha ka duulaan ama ku soo degaan ay gacanta ku hayaan Ciidamada calooshood u shaqaystayaasha ah ee Itoobiya,laguna ilaalinayo Taangiyo iyo hub culus,waxaa taasi ka daran in loogu magacdaray Marxuumka oo Xilkiisa qaran si sharaf leh u soo gutay.

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  ee dadkooda iyo dalkooda Khiyaameeyey C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo weliba Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo eheladii uu ka geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan.

Haddaba Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan Nin ceynkee ah ayuu ahaa?. Alle ha u naxariistee marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan oo da’diisu ay ahayd 99 sano waxaa taariikhdiisa ka hadlay C/risaaq Xaaji Xuseen oo mar Ra’iisal Wasaare ka noqday Xukuumaddii Madaxweyne Aadan Cadde, kaasi oo ay BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga wareysatay.

C/risaaq Xaaji Xuseen waxaa uu sheegay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ay soo wada shaqeeyeen uu ahaa nin aan masaalkiisa oo kale aan la arkin, wuxuuna ku sii sifeeyay in uu ahaa nin wadani ah oo aan eex iyo qabiil aqoonin, kaasi oo ay dadka Soomaaliyeed is-tusiyeen sida uu cadliga u sameeyay.

Sidoo kalena, waxaa taariikhda madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka hadlay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, kaasi oo sheegay in alle ha u naxariistee madaxweyne Aadan Cadde uu lahaa sifooyin uu ka xusay:

– In uu howl-kar ahaa, in uu ahaa qof ay Wadaniyadda ku weyn tahay, in uu ahaa nin Madax ah oo ku dhaata Dastuurka Dalka u yaala, in uu ahaa Qof Nabadgelyada aad u jecel.

– In uu ahaa Qof ka soo horjeeday musuq-maasuqa iyo in uu ahaa Il-bax Dowlad-wanaaga ku dhaqmay.

Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan oo ku dhashay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan sanadkii 1908-dii waxaa uu xiligii uu dalka burburka ku jiray uu ku noolaa gurigiisa ku yaala Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada Hoose, wuxuuna shalay oo taariikhdu ahayd 08/06/2007 uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: