Sheikh Shariif Sheikh Axmed:- “Soomaaliya waxa qasaya waa Mareykanka, wuxuuna u soo kireystay Dowlada Ethiopia”.

Heesta Maanta :Soomaaliyeey Toosoo 

sheikh-shariif.jpgraymondjohansen1.jpg

Kalkaan ka akhri

Amara Sabti (SomaliSwiss) 02. Jun 2007 

Soomaaliya waxaa qasaya Maraykanka oo u ogolaaday in wadanka Ethiopia uu ku duulo isla markaana uu qabsado shacabka Soomaaliyeed, sidaas waxaa yiri Sheekh Shariif Sh. Ahmed, mar uu kulan kula qaatey xoghayaha dowladda Norway u qaabilsan Arimaha dibadda Mudane Raymond Johonsen Magaalada Asmara ee dalka Eritrea, sidaas waxaa shalay lagu baahiyey Warbaahinta dalka Norway. 

Hadii lala rabo nabad wadanka soomaaliya, waa inay ka baxaan Ciidamada Ethiopia Dalka Soomaaliya sidaas wuxuu Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ka sheegay munaasabaddii kulanka xoghayaha Arimada dibedda ee Dowladda Norway Mudane Raymond. 

Haddii aan nahay Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah waxaan diyaar u nahay inaan la wada hadalno dowladda KMG ah, hase ahaatee waxaa shardi ah in Ciidamada Ethiopia ay wadanka isaga baxaan, ka dibna waxaan diyaar u nahay inaan kula hadalno wadamada ay ka mid yihiin Sweden & Norway ama Italy. 

Wadanka Norway & Talyaaniga ayaa aragti ahaan uga duwan wadamada kale ee reer galbeedka ah sida dib u heshiisiin dhab ah loogu heli lahaa wadanka Soomaaliya. 

SomaliSwis Wakiilka Asmara  

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: