Murtida Maanta:- “Nabaddii la ciideeyey iyo taliyo Caalwaaga***Caasimadda Ololkeedi iyo Cararki fiiggeena.”

Heesta Maanta: Midab Gumeysi Diida DilaAbwaan

Kalkaan ka akhri

SomaliSwiss 02. Jun 2007

 

Tix gabay uu tiriyey abwaan M. Dhagaafe. 

Qaybtii 2aad. 

Ciiddeenu waa dihintahoo waa cuseyb waliye
Canbihiyo babaygaas ka baxa wabiga ciinkiisa
Canabka iyo mooskiyo khudraa ceynba ceyn yahaye
Mowjado cartamayiyo kalluun badaha ceegaaga
Cood noo dhalaayiyo karreeb caano laga maalo
Batrool ciidda hoosteed ku jira caawinse u baahan
Haddeynaan cawaan wada aheyn kuma ciyaarneene
Cagta maalin lama wada marsheen cuurki soo kacaye
Ceyr gaalo bixisiyo qurbaha looma carareene.
 

Gabdhihii cuddoonaan jirood canabka moodeysay
Caweyskiyo kalaabyada kufaar lama cayaareene
Nimaan diin ciseyneynin oon camalfal yeeleynin
Oo aan caqiidaba laheyn caraqi mooyaane!
Oo sida canbaar Eey gashana madaxi coodcootay!
Yaa John casabo nooga dhigay waan cajabayaaye?!
Gabdhihii lawada cawryi jiray cadawga yowloogay?!
Yaa yiri Amxaar calaq lahaa Cadar haloo guursho?!
 

La soco qaybaha kale ee uga dambeeya. 

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: