Diyaaradaha iyo Maraakiibta Mareykan oo duqayn u gaystay shalay & Saakay dhulka ku xeeran Xeebta Baargal ee maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya.

Heesta Maanta : Hadaad dhaqan kale raacdodiyaarad-dagaal.jpg

Kalkaan ka akhri

Bosasso Sabti (SomaliSwiss) 02. Jun 2007

  

Shabakada CNN News ee laga leeyhay dalka Maraykanka, ayaa saakay baahisey in Maraakiib & Diyaaradaha dagaalka ee uu Maraykanku leeyahay ay duqeeyeen Baargal & tuulooyinka udhow dhow ee maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya.

  

Sarkaal u hadlay wasaarada gaashaandhiga Maraykanka ayaa sheegay in hadafkoodu uu ahaa in nin ka mid Kuwii lagu tuhunsanaa inay geysteen ama maleegey qorshihii lagu burburiyey safaaradihii Maraykanka ee Niarobi iyo Darusalam.

  

Sarkaalkan ayaa sheegay in maamulka Puntland iyo odayaasha qabaa’ilka ay ka heleen war sax ah oo lagu kalsoonaan karo, kuwaas ayaana ku hawlgalnay ayuu yiri Sarkaalka, wuxuuna intaa ku daray ee uu sheegay in sheyga keliya ee howlgal noocan oo kala ah lagu fulin karo ay tahay in la adeegsado Markab ama Diyaaradaha dagaalka ayuu yiri waa sida uu hadalka udhigaye.

  

Waa markii labaad oo uu Maraykanku duqeeyn u gaysto dad rayid ah oo weliba xoola dhaqato ah isagoo ku andacoonaya in ay Al-qaacida ugaarsanayaan.

  

Masuul sare oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyey duqaynta loo geystay dhulka ku xeeran xeebta Baargal ee ay degan yihiin dadka rayidka ah oo isugu jira xoolaley iyo Kalluumaysato, taasoo saamayn ku yeelan karto isku duubnida beelaha Puntland, mar haddii loo adeegsanaya duqaynta Maraykanka qayb ka mid ah beelaha dega gobollada bari.

  

Umada Soomaaliyeed ayaa gabi ahaanteedaba umuuqata mid udiyaar ah gumeysiga amaba u ololeynta in lalaayo dadkooda meel walbaba haku noolaadeene.

  

Balse xaqiiqda ayaa ah in cadowga Soomaaliyeed uu ogaaday sida ay ufududyihiin ama u damiir la’yihiin mid walboo Soomaali ah uu yahay mid dhuuni raacde ah sidaa daraadeen cadowgu u adeegsado wuxuu rabo ciduu rabana laayo (lakin horay ayaa loo yiri shalaaydu mahor martee wey daba martaa) Shacabka Soomaaliyeedna kii kudhinta duqeynta cadowga gaalada waa shahiid Illaah ayaana janna uga abaal gudaya Inshaa Allaah..  

  

SomaliSwiss Wakiilka Puntland

  

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: