Dagaal Qabaa’il xoogan oo sababay dhimashada 40 qof ayaa kasoconaya Ceel-Caday iyo Dudulo-Shiir oo katirsan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Heesta Maanta : Arligeygo

Ciidan

 

Kalkaan ka akhri

Mudug Sabti (SomaliSwiss) 02. Jun 2007

In ka badan 40 ruux ayaa ku geeriyootay inta la ogyahay dagaalo, maalintii afaraad ka soconaya deegaano katirsan gobolka Mudug halkaasoo ay ku dagaalamayaan beelo wada daga. 

Dagaal beeleedkaan oo galay maalintiisii afaraad ayaa waxaa uu gaystay qasaarooyin isagu jira dhimasho dhaawac iyo burbur hantiyeed iyo waliba barakac qoysas xoolo dhaqata ah. 

Dagaalkaan ayaa xoogiisu waxa uu ka dhacayey deegaano lagu magacaabo Ceel-Caday iyo Dudulo-Shiir oo katirsan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Dagaalkaan ayaa laxaqiijiyey inay ku dhinteen 40 qof oo u badan maleeshiyadii dagaalamaysay waxaana dagaalkaani uu salka ku hayaa aanooyin qabiil iyo murano ku saleysan dhinaca daaqsinta. 

Waxgarad iyo odoyaal katirsan qabiilada dagaalamaya ayaa maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxayna isla gaareen in halkaasi loo diro 24 ka saac ee soo aadan Ergo nabadeed si loo hakiyo dagaalada iyo dhiiga daadanaya. Dhinaca kale xilibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ah xilibaanada dowladda fadaraalka soomaaliya ayaa waxaa uu xaqiijiyey in dowladda arrintaasi loo sheegay islamarkaana dowladda ay balan qaaday in wax ay ka qaban doonto.  Muddadii uu socday dagaalkaasi ayaa waxaa yaraa helista xogta ku saabsan qasaaraha uu dhaliyey dagaalkaasi is gaarsiinta oo aad u carriir u ahayd darteed. 

SamoliSwiss Xafiiska Mudug 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: