Waxaa Banaanbax loogu baaqayaa Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK, faahfaahin hoos ka akhri

 Heesta Maanta :Waa Su’aal Da’weynee Dalka Yaa IskaLeh

Mudaaharaad

Halkan ka akhri

Anigoo ah Xassan C/Laahi Sh. (Xassan Carab) Muwaadin Soomaaliyeed Qoraa si joogto ah ugu soo bandhiga Aqlabiyada Shebekadaha intoodaBadan, weliba kuwa leh aragtida Wadaniyadeed, Damiirka Somaaliyeediyo Hanaanaka Saxaafaxeed Maqaalo iyo Qormooyin ku saleeysan amaka turjumaaya Danaha guud iyo maslaxada Ummadeed, weliba xaaladdaCakiran ee Dalkeenii hooyo ku jirro waqtigan adag oo Gumeeysigu kuamar taagleeynaa iyo Khaayiniinta Magaca Somaaliyeed Wata.   

Hadaba Anigoo Akhristayaasha fara badan iyo guud ahaan DadkaSomaaliyeed ee xalaasha ah,dameenka nool, Damiir iyo Qiirada DalJceylka ah leh (Wadaniyiinta dhabta) ee Aduunka Cifiryadiisa kulaDaadsan waxaan halkan uga soo jeedinaayaa Baaq Bani-aadaminimo ooku saleeysan Wajiibka Diinta Islaamku ina fadheeyso iyo GarashaddaWanaagsan oo Dadnimadu dhigeeyso in eey ka Qeyb galaan Olollaha Ururinta Sadaqada lagu caawinaayo.

Dadka Somaaliyeed ee sida weynugu Tabaaleeysan Caasimadeena Muqdisho iyo Degaamadda ku xeeran oo Duruufaha Qalafsan iyo Dhibka-Haweenka, Ubadka Yer-yerka, Waayeelka Iyo Guud ahaan Boqolaalka Kun Cidlada ama Duurka fadhiya, Dhaxanta, Roobka iyo Dayaca weyni heeysto-waana Walaaleheen, Waa Jirkeena iyo Dhiigeena waa Ehelkeena-Olollaha Sadaqa ayaa ka dhici doona hadii Alle idmo Magaaladda Lond Maalinta Axadda 05/05/2007-Cinwaanka Hoostan ku qoran:- 

Saturday, 5th May 2007 at  Bridge Park Community Leisure CentreHarrow Road, London NW10 0RG

4:30 to 9:30pm  Somalia Foundation  

Tel. 0208 830 3568 Mob. 07950570231 .

  

Anigoo Gudanaaya Masuuliyada Diinteed,Qarameed iyo Akhlaaqeedee Iga Saaran Dadkeena iyo Dalkeena Hooyo Qaaliga ah, Isla markaanaka Faa’iideeysanaayaa Xiriirka Wanaagsan iyo aqoonta weyn oo DadkaSomaliyeed ee Qurbo joogta ahi u Leeyiihin Magaceeyga-Xassan CarabIyo Qoraaladeeydaba ama inta Codkeeyga ka Mashada Idacadaha Waxaan Si Xurmad leh leh, Kalsoosi leh, Islaanimo leh, Somaalinimo leh uga Codsanaayaan ama ugu boorinaayaa ka qeyb qaadashada Olollahaas Sadaqo Ururinta ah oo aan Rajeeynaayo in uu noqdo mid guul weynlaga gaaro, sida ku haboona looga soo qeyb galo.

Waxaan halkan Amaan iyo Bogaadin uga soo jeedinaayaa Dadka amaShakhsiyaadka ama Ururadda is xil-qaamay oo soo abaabulay HowshaasWeyn,ahamiyadeeda leh,sidoo kalle waxaan ku amaanaayaa ShebekaddaWadaniga ah ee ONKOD.COM dadaalkeeda iyo Dareenka Wadaniyadeed ee Maamulkeeda iyo Guud ahaan Bahdda www.onkod.net Fadlan ka Daalacda Ogeeysiska iyo Macluumaadka dheeraadka oo Arrintaas ku saabsan iyo Faafaafintaba www.onkod.net .

       Waxaan si gaar ah Fariintan ugu adkeynaayaa Haweenka IyoDhalinyaradda Somaaliyeed oo ah kuwo leh ama laga Heli karaayoDariimka Nool iyo Qiirada Wadaniyadeed, lana Oran karaayo weey ka Caafimaad Qabaan Cudurka Dilaaga ah ee Ummadda Somaaliyeed Halkaas Dhigay, Qabyaaladda, Kala Soocida Ummadda iyo Hab BelaayoAbuuridda ah, waana Kuwa Looga Baahan yahay in gartaan oo guraan Masuuliyadooda Diineed, Qarameed iyo Akhlaaqeeedba, Ceelna uma Qodna Cidna uma Maqna Walaalaheena Somaaliyeed ee Tabaaleeysan.

Qoraalkan Waxaa SomaliSwiss soo gaarsiiyay

  

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)--England-UK- 03/05/2007-

-sharifhassan50@yahoo.com

 

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: