Mas’uul sare oo Itoobiyaan ah ayaa sheegay in Cabdullaahi Yuusuf diyaarad lagu geyn doono Magaalada Hargeysa ee Gobolka Woqooyi Galbeed.

 Heesta Maanta : Gusha iyagaa leh  

 gegida-diyaaradaha-hargeysa.gif

Kalkaan ka akhri

Adis Ababa (SomaliSwiss) 30.04.2007

War uu inoo soo diray Wakiilka Somaliswiss ee Magaalada Adis Ababa ayaa sheegaya in Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibada ee Itoobiya ee magaciisu la yiraahdo Gebide Haile oo wareeysi dheer siiyay telefishinka Mareykanka ee FOX NEWS ayaa sheegay in Ciidamadda Itoobiya ee Dowladda Federalka siinayay gacanta Melleteri ay qorsheeynayaan inay Cabdullahi Yuusuf geeyaan Hargeysa marka ay ka soo fara xashaan hoowlgalada Melleteri Muqdisho iyo deegaanada kale ee koofurta.

Afhayeenka wuxuu sheegay in C/llahi Yuusuf ay Hargeysa u geeynayaan si uu wada hadalo siyaasadeed ula bilaabo Xukumadda Somaliland,wuxuuna dhinaca kale xusay Afhayeenkaas in dalkiisa Itoobiya uu taageero buuxda oo la xiriirta hoowlgaladda Melleteri ee raja soo celinta Somaliya 16 sano kadib uu ka helay beesha Caalamka.

Sidaas darteed wuxuu Mr Haile sheegay inay Itoobiya ka go-an tahay inay Cabdullahi Yuusuf ku fariisto waxa uu ku tilmaamay kursi awood badan oo ka taliya dhamaan goboladda Soomaaliya.

Afhayeenka oo la waydiiyay sida uu u arko Somaliland oo sheegtay inaysan aqoonsaneyn maamulka Cabdulahi Yuusuf maadama aysan iyagana aqoonsaneyn Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay inay jiraan dhibaatooyin badan oo dhinacyada diblomaasiyadda iyo isfahamka ahi oo Soomaalida ku kala dhex jiray 16-ka sano ee la soo dhaafay.

Isagoo dhinaca kalana farta ku fiiqay in Itoobiya ay dooneeyso guud ahaanba inay meesha ka saarto dhibaatadaas.

Afhayeenkaas u hadlay Wasaarad dibadeedka Itoobiya oo amuurahaas sharaxaya ayaa yiri Somaliland waxaanu la leenahay xiriir wanaagsan oo salka ku haya Iskaashi dhinaca amaanka ah iyo isu socodka xaduudaha ,waxaa kale oo naga dhaxeeya ganacsi badan,waxaanu isticmaalnaa dekadda Berbera,madaxda yadda labada dhinacna waxay iswaydaarsanaa safaro midba uu midka kale ku tago labada dhinac,waxayna iminka danta ku jirtaa sidii iminka mandaqada looga ilaalin lahaa argagixisada ,xasilooni darada iyo in wax walba lagu dhameeyo miiska wada hadalka dushiisa.

Afhayeen Haile oo ka jawaabayay su·aal la waydiiyay oo ahayd sida ay isugu keenayaan Somaliland iyo Maamulka Cabdullahi Yuusuf iyo halka wada hadalada lagu qabanaya ,waxaa uu yiri Afhayeenka.

Itoobiya waa dalka xaduuda ugu dheer ee afrikada bari la wadaagta Soomaaliya,waxaa degan Itoobiya laba milyan oo Soomaali ah,waxaa halkaas kaaga cad in Itoobiyaanka iyo Somalida ka dhaxeeya xiriir qotto dheer.

Wuxuuna ugu dambeeyntii sheegay inuusan isaga dhaheeyn xalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa gacanta Itoobiya,balse hadii loo baahdo waxaanu Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf geeyn doonaa Hargeysa si xal siyaasadeed oo waara looga gaaro Soomaaliya·

Mar wax laga waydiiyay in dalkiisu Somaliland la qabo fikirka ay ku dhawaaqday ee ah inay ka madaxbanaan tahay Somaliya inteeda kale?waxaa uu sheegay inaysan Itoobiya Somaliland u aqoonsaneeyn dal madaxbanaan balse ay u aqoonsatahay in Somaliland tahay gobol degan oo gaaray xasilooni ay kaga duwan tahay Soomaaliya inteeda kale.

Laakiin ayuu yiri,waxba kama qabno hadii Soomaalida isku afgarato in madaxbanaani Somaliland hesho.

Warbixintan oo ay saakay faafiyeen Wargeysyadda Hargeysa ka soo baxa ee Maalmaha iyo Ogaal ayaa u muuqdo kuwa xasaasiya oo dadka Hargeysa aad ugu sheekeeysanayaan,waxayna tani daaha ka rogeeysaa sida Itoobiya u daneeyneeyso wada hadalo ay u furto Dowladda Cabdullahi Yuusuf iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Laakiin dhinaca kale Sheekadda gabide Haile waa mid ku cusub dhegaha Shacabka Somaliland hasse yeeshee wali Xukumadda Somaliland kama jawaabin sida ay u arkaan hadalka uu faafiyay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya.

Somaliswiss Wakiilka Adis Ababa

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: