Cadde Gaabow oo Xilkii laga qaaday iyo Maxamed dheere oo loo magacaabay Xilka Goddoominimada Gobolka Banaadir.

  Heesta Maanta : Gusha iyagaa leh  Xil wareejin

Kalkaan ka akhri

 

Maxamed dheere

Muqdisho Sabti (SomaliSwiss) 28.04.2007

Dowladda kMG ah ee Somalia ayaa maamul cusub u magacowday gobolka Banadir ka dib markii xilkii laga qaaday maamulkii Cadde Gaaboow, xilli maalintii labaad ay dagan tahay caasimadda Somalia ka dib dagaalo muddo 8 maalmood ah ka socday oo ay ku nafwaayeen in ka badan 350 ruux.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Somalia, Cali Max’ed Geedi oo uu soo ansixiyay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia, C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu magacaabay Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) in uu noqdo gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho halka wareegtadaasi xilkii looga qaaday Max’uud Xasan Cali cadde Gaaboow.

Wareegtadaan ayaa waxaa warbaahinta u aqriyay Wariye ka tirsan xafiiska Ra’isulwasaare Geedi la yiraahdo Max’ed Siidii.Shacabka magaalada Muqdisho ayaa u hanqal taagaya bal isbadalka uu Max’ed Dheere ku soo kordhin karo gobolka Banadir.

Iyadoo Max’ed Dheere oo horey uga arimin jirey gobolka Sh/dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar uu ka dhigay meel nabdoon.Magacaabista maamulkaan cusub ee gobolka Banadir ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii labaad gacan ku heynta caasimadda Somalia ay la wareegeen ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia oo ay wehliyaan ciidamada Ethiopia, iyadoo saakay lagu arkayay isgoysyada magaalada Muqdisho ciidamada booliska dowladda KMG ah.

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: