Sheikh Shariif Sheikh Axmed:- Caalamku wuu ka seexday dhibaatada loo geysanaya Umadda Soomaaliyeed.

Wareysi Sh. Shariif Shiikh Axmed  sharif1.jpg

 Halkan ka akhriso

Muqdisho Khamiis (SomaliSwiss) 26.04.2007

Guddoomiyiha Maxkamadihii Midoobay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku sugan Asmar oo ka hadlayey dabka ka aloosan Muqdisho muddada halka toddobaad ah; wuxuuna sheegay inay dagaalladaas yihiin kuwo geystay dhibaatooyin isugu jira dhimasho dhaawac iyo barakac dad aan awoodin in ay socdaan , dunidu ka sii jeesatey dagaalladaas inay wax ka qabato.

Sheekh Shariif ayaa xusay in dagaalladaas ay yihiin kuwo xanuun badan leh oo u dhexeeya Ciidammada Ethiopia iyo kooxo ka soo horjeeda, waxaana uu sadaaliyey inay dagaalladu socon doonaan inta ay ciidammada Ethiopia ay ka baxayaan gudaha dalka somaliya.

Sheikh Shariif ayaa hadalkaan ka sheegay kulan ka dhacay dalka Eritrea oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta ka kala tirsan dowlada fadaraalka ah iyo xubnaha baarlmaanka oo hada xilalkoodii laga xayuubiyey kuna sugan dalka Eritrea ee ka soo horjeeda dowladda, balse ma sheegin in dagaalladaas ay qayb ka yihiin midowgii Maxkamadihii .

Sheikh sharif sh: axmed ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax argagaxiso ah oo ku sugan Muqdisho ama qaybo kale oo ka tirsan gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna diiday inay jiraan kooxo shisheeye ah oo ay iyagu gabbaad ku siinayaan Muqdisho iyo goobo kale oo dalka ka tirsan.

Ma jiraan wax aan gabbaad siinayno oo shisheeye ah ama Argagaxiso ah, balse waxaan sheegayaa in argagaxiso ku sugan Soomaaliya ama Muqdisho haddii ay jirto ay yihiin ciidammada Ethiopia oo iyagu dhibaatooyin u geysanaya shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo indhawaalaba ku sugnaa dalka Eritrea.

SomaliSwiss Wakiilka Asmara

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: