Shirkii Odayaasha Hawiye & Saraakiishii Ciidamada Cadowga Ethiopia oo burburay, kadib marki ay diideen in ay isaga baxaan Magaalada Muqdisho.

Wareysi Sh. Shariif Shiikh Axmed  KM4

Kalkaan ka akhri

Guddiga Xabad joojinta Beelaha Hawiya iyo saraakiisha Ciidamada Cadowga Ethiopia kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday.

Afhayeenka Guddiga Xabad joojinta Beesha Hawiye oo ka waramay ka dib kulankii maanta ay ku yeesheen Odayaasha & Saraakiisha Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi aysan ka soo bixin wax natiijo ah, isagoo sheegay in halkaasi aan looga dhawaaqin wax xabad joojin ah.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in saraakiisha Ethiopia ay wateen Mowqif u gaar ah oo ay ku sheegeen in ay doonayaan xubno Alqaacido ay ugu yeereen, waxaana odayaasha ay arinkaasi ugu jawaabeen in aanu jirin wax argagixiso ah oo gabaad ay siinayaan, isla markaana Ciidamada Cadowga Ethiopia ay duulaamo ku soo qaadeen qabaa’il.

Kulankaan ay qaateen odayaasha beelaha Hawiye iyo saraakiisha Ciidamada Cadowga Ethiopia ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay xubno Wasiiro ka tirsan Dowladda daba dhilifka KMG ah ee Somalia sida uu sheegay Afhayeenka oo ka gaabsaday in uu carabaabo u adeega yaasha Tigreega.

Kulankaan oo Dadweynaha ay ka sugayeen natiijo wanaagsan oo ku aadan xabad joojin ayaa dib loo dhigay ilaa Maalinta berri ah, waxaana ay aheyd ujeedada koowaad ee looga hadlay kulankaasi sidii saraakiisha Cadowga Ethiopian-ka ah sidii ay warbaahinta uga hadli lahaayeen isla markaana si rasmi ah ugu dhawaaqi lahaayeen xabad joojin rasmi ah maadaama ay ayagu horay u codsadeen.

Dhinaca kale Odayaasha ayaa ayaguna dhinacooda ku Adkeystay in hadii ay Ciidamada Cadowgu doonayaan in xabadda lajoojiyo ay marka hore isaga baxaan gabi ahaamba Magaalada Muqdiho markaa kadibna laga yaabo in xabadu ay istaagto.

Si kastaba ha ahaatee Go´aanku waa mid uu wato Meles Zenawi ee Ciidamadu waa kuwa arka Xaqiiqda Shacabka Soomaaliyeed ayna ayagu dhinacoodu jecel yihiin balse waxey udhow dahay in ay gabi ahaamba isku dhiibi doonaan Ciidamada Kacdoonka Shacabka Muqdisho amaba ay sidii Saraakiishii horay oo akle ayaguna is wada toogan doonaan.

Ciidamada Kacdoonka Shacabka ayaa ayaguna sheegay in ay hada wixii kadambeeyo bilaabi doonaan in ay Guryaha udhex mari doonaan LuuqLuuqyada kadibna Xasuuqooda lamaqli doono Ciidamada Cadowga Tigreega oo ayaantamba jabkoodu sii badanayay.

Somaliswiss Xafiiska Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com  

%d bloggers like this: