Advertisements

Odayaasha Beelaha Hawiye oo Sheegay in ay ka cudur daarteen in ay Baydhabo aadaan isla markaana ay la kulmaan wafdigii halkaasi gaaray.

 Heesta Maanta : Gusha iyagaa leh

 Axmed Diiriye

Kalkaan ka akhri

Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa Maanta Shaaca ka qaaday in looga yeeray magaalada Baydhabo si ay ula kulmaan wafdiga Ameerikaanka ee Maanta halkaasi gaaray.

Odayaashani ayaa sheegay in ay casuumad ka heleen Dowladda Mareykanka isla markaana ay doonayaan in Baydhabo ay yimadaan isla arkaana halkaasi lagu heshiisiiyo iyaga iyo Dowladda Mbgati ee Maqaarsaarka ah.

Waxay sheegeen in Beelaha Hawiye aysan kula dagaalsaneyn Magaalada Muqdisho Dowladda Mbgati ee waxa ay kula dagaalamayana ay tahay dowlad soo duushay oo Madax uu u yahay Meles Zenawi.

Saakay ayay aheyd Markii Afhayeenka Guddiga Farsamo ee Beelaha hawiye Xuseen Siyaad Faarax (Qoorgaab) uu sheegay in xasuuqa ka dhacaya Magaalada Muqdisho ay wadaan qorshihiisa Dowladda Mareykanka ayna kula xisaabtami doonaan Shacabka Soomaaliyeed xilli waliba oo ay soo kabsadaan.

Faragelinta ay Dowladda mareykanka ku heyso Soomaaliya ayaa cadaatay maanta kadib markii wafdi ka socda Dowladda mareykanka ay soo gaareen magaalada Baydhabo isla markaana kulamo ay halkaasi kula qaateen Mas’uu liyiinta Dowladda Mgati ee Maqaarsaarka ah iyo sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka oo iyagu weli la heysteyaal ah. 

Xafiiska Muqdisho 

somaliswiss@hotmail.com  

Advertisements
%d bloggers like this: