Xasuuqii iyo Burburkii ay geysteen Ciidamada Itoobiya oo maanta isha la soo mariyey.

 Heesta Maanta : Gusha iyagaa leh  

M-dagaalka

Halkaan ka akhri

Mudisho (Somaliweiss) 04.04.2007

Guddigii ay Beelaha Hawiye u saareen in Meydadka iyo dhaawacyada ku xayiran waddooyinka iyo xaafadaha qaar in la kala qaato ayaa maanta si toos ah u hawlgalay iyadoo guddigaasina ay socdaalkooda ku wehliyeen Saraakiil Itoobiyaan ah.

Xaafadihii ay soo mareen Guddiyada Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiyaanka ayaa waxa ay kala ahaayeen Xaafadda Ifka xalane, wadada Warshada Qeyb kamid ah, Isbartiibada Muqdisho Stadium, Xaafadda Cali Kamiin, Xamar bile qeybo kamid ah iyo Sidoo kale Isbitalka Alxayaat.

Waxa ay halkaasi kaso saareen guddigani oo ay ku wehliyeen Socdaalkooda Hey’adda Bisha Cas inkabadan 40-qof oo meyd ah oo aanan loo dhameystiri karin Aragtida muuqaalka dadkaasi meydka ah oo doorsoomay awgii.

Wariyeyaashii lasocday qaarkood ayaa sheegay in loo diiday Meelaha qaar in ay galaan Wariyeyaash oo ay sawiro ka qaadaan si aanan loo arkin Xasuuqa Ciidamada Itoobiya ay ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa ka koobnaa 2-xubin oo kasocda Dhanka Beelaha Hawiye iyo sidoo kale 2-sarkaal oo itoobiyaan ah, waxaana sidoo kale lasocday wariyeyaal fara badan oo dhammaantood ay cabsi kawada muuqatay.

Meydadka oo kor u dhaafaay 40-qof ayaa waxa ay u badnaayeen Dad rayid ah oo la arki karayay iyagoo xabad ku dhacday sida la qiyaasayo ama Madfac xilli ay guryahooda kasoo baxayeen.

Xasuuqani ay geysteen Ciidamada Wadanka Itoobiya ayaa waxaa uu galayaa Taariikhda iyadoo Maxkamad lagu soo taagi doono cidda ka dambeysa haddii la helo dowlad la isku raacsan yahay.

Xuseen Siyaad Qoorgaab oo ah afhayeenka Guddigani xabad joojinta dhanka Beelaha Hawiye ayaa u sheegay Saxaafadda kadib meydadkii ay Maanta ka soo qaadeen Goobihii lagu dagaalamay ayaa waxa uu sheegay waxa halkaasi ka dhacay uu yahay Xasuuq ba’an isla markaana meydadkii ay soo qaadeen ay u badnaayeen Shacab rayid ah oo dagaaladu aanu waxba ka galabsanin ku hoobteen.

Muqdisho-SomaliSwiss- Omar

 somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: