Madaafiic xoogan oo tiradooda lagu qiyaasay 16 Madfac ayaa waxaa ay ku dhaceen xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

 

Muqdisho (SomaliSwiss) 31, March 2007

Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa barqanimadii maanta lala beegsaday madaafiic kuwii ugu darnaa.

Madaafiic xoogan oo tiradooda lagu qiyaasay 16 Madfac ayaa waxaa ay ku dhaceen xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdaan ayaa la sheegay in laga soo tuuray goobaha uu dagaalka saakay ka socdo ee agagaarka Stadium Muqdisho iyo xaafadaha udhow dhow Villada iyadoo la arkayay marka ay madaafiicdaas ku dhacayeen qeybo kamid ah Villa Somalia uuro iyo qaac xoogan oo halkaasi ka baxayay.

Ciidamada Ethiopian-ka iyo kuwa lasocda ayaa durbadiiba bilaabay inay madaafiic jawaab ah oo xoogan kusoo tuuraan xaafadaha Muqdisho qaarkood kuwaaso inta badan ku dhacay xaafadaha Xamar Bile iyo Xamar Jadiid iyagoo qasaaro xoogan halkaasi ka geysteen shacab guryahooda waardiya ka ahaana kuxasuuqay.

Ilaa iyo hada lama ogaan karo qasaaraha ciidamada Ethiopia iyo madaxda Dowlada kusheegga Somalia ka tirsan ee Villa Somalia jooga kasoo gaaray madaafiicda xoogan ee barqanimadii manta lagu rusheeyay halkaasi, iyadoo ciidamada Xabashida u diideen inay Saxaafada halkaasi tagto.

Dhinaca kale, dagaalka saakay ka socday agagaarka Stadium Muqdisho ilaa Xaril Yaale ayaa sii kululaaday, iyadoo labada dhinac ay madaafiic xoogan iyo qoryaha fud fudud isku ridayaan.

Ciidamada Kacdoonka dagaalka kula jira ciidamada Ethiopian-ka oo saacadihii ugu dambeyay ay ku soo biireen ciidamo tiro yar oo DF ka tirsan ayaa la sheegay inay manta dagaalka soo galiyeen gawaari Tekniko ah kuwaaso horey u lahaan jireen Golihii Maxkamadaha Islaamiga kuna buufsan astaantii Maxkamadaha.

SomaliSwiss Omar 

 

 

 

 

Somaliswiss@hotmail.com

 

 

%d bloggers like this: