Banaanbax aad ubalaaran oo ay sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kudhaqan wadankan Switzerland

 Heesta Maanta : Gusha iyagaa leh

M5

Halkaan kadaawo sawira kale

 

Swiss-Bern (SomaliSwiss) 30, March 2007

Jimca oo ay taariikhdu tahay 30.March 2007, Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo Gumeysiga wadanka qabsaday ee
Ethiopia xasuuq ba’anna kuhayya shacabka Soomaaliyeed ee kudhaqan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Bannaanbaxan ayaa lagu hor sameeyay Safaarada Jarmalka ay kuleedahay wadankan Swiss-ka Maadaama uu hogaanka EU da Midowga Yurub ayaga ay uxilsaaran yihiin madaxna ay katahay marwada heysatay madaxtinimada wadanka Jarmalka Marwa Angela Merkel.

Bannaanbaxan ayeey isugu yimaadeen Soomaali aad ufara badan oo kakala yimid Gobolada wadankan Swiss-ka.

Mudaaharaadkan ayeey soo abaabuleen Odayaasha & wax garadka kudhaqan Wadankan Swiss-ka kaasoo kusoo beegmay xasuuqa lagu hayo shacabka aan waxba galabsan.

Banaanbaxan ayaa ahaa mid aad ay uga dhiidhinayeen shacabka kudhaqan wadankan Swiss-ka halkaasoo ay isugu yimaadeen Odayaal wax garad Haween & Caruurba.

Qore : Yusufyare

Somaliswiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: