Diyaaradaha dagaalka Ethiopia oo mid kamid ah dhulka lasoo dhigay & Jaralaala laga qabsaday Ethiopian-ka Sawiradoodana hoos kadaawo

 

2 Ethiopian Jenerals

Halkaan ka akhri

 

Muqdisho (SomaliSwiss) 30, March 2007

Mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dowladda Ethiopia ayaa goordhaweyd lagu soo riday magaalada Muqdisho, ka dib markii lala helay gantaal.

Sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogayaal, labo diyaaradood oo ah kuwa Qumaatiga u kaca oo goordhaweyd bilaabay duqeyn ay la beegsanayaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa mid ka mid ah lala helay gantaal uga soo dhacay Ciidamada kacdoonka dagaalka kula jira ciidamada Ethiopia ee wadanka kusoo duulay.

Diyaaradaan ayaa inta aan la soo ridin ka hor waxa ay dhowr gantaal ku riday goobaha ay isaga soo horjeedaan Ciidamada wadanka kusoo duulay ee Ethiopia & kuwa kacdoonka Muqdisho.

Diyaaraddaan ayaa markii lala helay gantaalka waxa ay isku dayday in ay ku dagato Airaporka, laakiin waxa ay ku dhacday meel ku dhow oo qiiceeda uu qabsaday hawada.

Dagaalkii ka socday magaalada Muqdisho ayaa sii kululaaday, iyadoo la maqlayo madaafiic iyo waliba hubka aad u cul culus.

Dhinaca kale waxaa dagaalku uu saameeyay dhamaan xaafadaha Muqdisho ayadoo la arkayay xaafadaha qaar haween qorya wata oo soo xirtay dareyska militariga.

Dagaalku faraha ayuu kasii baxayaa halka laleeyahay Saraakiishii watay ciidamada xabashida ee lagu magacaabayay Jr. Xeyle & mid kale eyna gacanta uugu jiraan Ciidamada kacdoonka Muqdisho.

Ayadoo dhinaca kalena laga heysto habashida ciidama Ethiopian ah oo aad ufara badan dagaalkuna marba marka kasii dambeyso lagu sii durkinayo xabashidawadanka kusoo duulay.

 

 

SomaliSwiss Omar

 

 

 

 

Somaliswiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: