Wararkii ugu dambeeyay, Dagaalka Muqdisho oo sii fiday & Jab wey oo loogu geystay Ciidamada Ethiopia

 Ciidamada Hawiye

Halkaan ka akhri

Muqdisho (SomaliSwiss) 29, March 2007

Dagaalo Qaraar oo saakay waabarigii ka bilowday Caasimadda Somalia ee Muqdisho ayaa ilaa iyo haatan soconaya, iyadoo dagaalkaasi uu u dhaxeeyo ciidamada wadanka kusoo duulay ee Ethiopia & kuwa Puntland oo meel ah & Ciidamada Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeda.

Dagaalkaasoo Ciidamada Cadowga si gardara ah ugu soo qaaday dadka deegaanka kaasoo ay ku xasuuqeen nolosha dad ka badan 40 ruux halka tiro ka badan 80 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkaan oo ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ay wataan kuwa wadanka kusoo duulay ee dowladda Ethiopia ayaa wali ka soconaya wadada warshadaha iyo nawaaxiga Towfiiq.

Daryanka madaafiicda iyo sawaxanka hubka culculus ee la isku adeegsanayo ayaa hareeyay caasimadda Somalia, iyadoo ay joogsadeen isku socodkii gaadiidka iyo waliba howlihii ganacsi ee ka jirey caasimadda.

in ka badan 80 ruux oo dhaawac ah ayaa la dhigay Isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale oo wali ku jira xaafadaha, waxaana adag sidii loo geyn lahaa Isbitaalada ka dib markii wadooyinka magaalada Muqdisho ay go’een.

Dagaal xoogan oo ka soconeysa Xaafadda Towfiiq ee magaalada Muqdisho ayaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo halkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa 15 ruux halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo u badan dad rayid ah oo madaafiic ay ku soo dhacday.

Ciidamadii Cadowga Ethiopianka ee ka dagaalamayay Isgoyska Towfiiq ayaa dib loo soo riixay, waxaana looga dilay ugu yaraan 15 ciidamadooda, iyagoo haatan ka dagaalamaya wadada Miisaanka dhuxusha iyo Baar Ayaan., inkastoo wali ay soconeyso madaafiic iyo israasaaseyn xoogan.

Nin suxufi ah oo gaaray xaafadda Towfiiq ayaa dad goobjoogayaal ah waxa ay u sheegeen in ciidamada Ethiopia 2 gaari taanki ah ay wateen halkaasi silis lagaga gooyay, iyadoo 2 gaari kale oo Ural ahna laga gubay.

Ma jiro wali wax warar ah oo ku saabsan qasaaraha gaaray Ciidamada kale ee ka soo horjeeda ciidamada Ethiopia.

Sidoo kale waxaa jira madaafiic BM ah oo laga tuuray dhinaca Madaxtooyada oo ku dhacayay xaafadaha Towfiiq, inkastoo aan la soo sheegin wax qasaaro ah.

Dagaalka waa uu soconayaa waana mid marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya.

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya qax aad u balaaran, iyadoo wadooyinka lagu arkayo dadweyne aad u fara badan oo socod uga soo baxaya deegaanada ay ka soconayaan dagaalada.

SomaliSwiss Omar 

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: