Muqdisho & Dagaala leysku mari waayay Muranna uu kataagan yahay

 

Halkaan ka akhri

 

Muqdisho (SomaliSwiss) 29, March 2007

  Ciidamada Itoobiya ayaa caradii inta ka badatay waxa ay adeegsanayaan Helicp-terro. 

Waxa ay garaacayaan xaafadaha Muqdisho ayagoo aan u aabba yeelin cidna.

Ka dib saaka markii ay weerar aad u xooggan ku qaadeen Muqdisho ayaa waxa ay la kulmeen difaac adag oo ayna filanaynin, ka dib ayaa waxa ay ka fursan waayeen in ay adeegsadaan diyaaradaha wax duqeeya.

Haddaba waxaa shirar gooni-gooni ah u socda dowladda iyo Itoobiyaanka, Itoobiyaanka waxa ay leeyihiin maxaad beenta noogu sheegteen oo aad noo tiraahdeen waa koox yar oo aan hub ku filan haysannin.

Waxaa is khilaafsan saraakiisha Itoobiyaanka, oo ku murmaya adigaa godka noo qoday iyo adiga ayaa nagu riday, mid ka mid ah saraakiisha ayaa yiri “ma soomaali baad rumaysanaysaa waa kuwa shilinka keliya u cade”. 

Arrintu si kastaba ha ahaate reer Muqdisho Xabashi ayaa u tashatay ilaah baase u maqan. 

 

Itoobiyaan ka soo duulay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa duqaynaya Caasimadda Soomaaliya.

Alla yaa ogeysiiya Axmed Gurey, Sayidkii, Siyaad barre iyo Caydiid.

SomaliSwiss Omar 

 

 

Somaliswiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: