Maxaad kala Socotaa Dagaaladii Galabta Jabka loogu geystay Ciidamada Cadowga Ethiopia Daawo Sawirada

 Ciidamada CadowgaAqoonsi Ethiopian

Sawirada hoos kadaawo

Halkaan ka akhri

Muqdisho (SomaliSwiss) 23, March 2007

Sawirada Hoos kadaawo

Ciidamada wadanka kusoo duulay ee Dowladda Ethiopia ee dagaalka kula jira deegaanka ee ka soo horjeeda joogitaankooda Gumeysiga ah ayaa jabkii ugu xooganaa ee lagu gaarsiiya Caasimada lala helay maanta Markii ay weerar gaadma ah kusoo qaadeen Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Mujaahidiinta ka soo horjeeda Ciidamada Ethiopia joogitaankooda ayaa wixii ka dambeeyay duhurnimadii maanta ay awoodoodii soo korortay, waxeyna jab gaarsiiyeen Ciidamada Ethiopia ee ka dagaalamayay Jidka Warshadaha.

Mujaahidiinta Hubeysan ee ka soo horjeeda Ciidamada Ethiopia ayaa 3 gaari Nooca Uralka ah ka gubay Ciidamada Ethiopianka, kuwaasoo ay saarnayeen Askar ka tirsan Ciidamada Ethiopia oo dhamaantood dhintay, iyadoo ay Gaariyaashaas ay saarnaayeen ilaa 20 askari oo Ciidamada Ethiopia ah.

Meydadka 10 ka tirsan Askarta Ethiopianka ayaa yaala Bartamaha Wadada, inta kuwa kalana ay kubas baxeen Baabuurtii lagubay.

Waxaa aad usoo batay Ciidamada Deegaanka kadib markii ay kabilaabatay meela bada ee ah xaafadaha Muqdisho ayadoo ayna gabi ahaamba Ciidamada Wax iska caabinta dhalinyarada Hawiye ay si is daba joog ah usoo buuxiyeen Xaafadaha Muqdisho oo uu dagaalku marba marka kasii dambeysa uu sii xoogeysanayo.

Wixii soo kordha kala Soco Websitekeena SomaliSwiss

 

Gaari UralGaari kale Ural ahBakhti XabashiBakhti EthiopianBakhti Eth.Bakhti EthiopianGaarigii 3 xaad

SomaliSwiss Omar 

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: