Afhayeenka Beelaha hawiyeAxmed Diiriye, Hawiye waa uu is difaacayaa ilaa qofka ugu dambeeya uu kageeriyoodo

Axmed Diiriye

Halkaan ka akhri

Muqdisho (SomaliSwiss) 29, March 2007

Waxaa inoo socday wada hadalo, xabad joojina waa la isku ogaa, hase ahaatee intiiba meel ayey iska dhigeen dagaal qorsheysan oo qiyaano ah ayeyna saaka nagula soo kalaheen” sidaasina waxaa yiri afhayeenka beelaha Hawiye nabadoon Axmed Diiriye oo saaka ka hadlayey dagaalada mar kale ka qarxay qeybo kaa tirsan caasimada Muqdisho.

Nabadoon Axmed Diiriye oo ah afhayeenka odayaasha Beelaha Hawiye ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay ku xad gudbeen xabad joojintii ay isla markaana duulaan qorsheysan ay ku soo qaadeen fariisimada ay ku sugnaayeen difaacana kaga jireen ciidamada Beelaha Hawiye.

Isagoo ku eedeeyey iney Nabadoonku ciidamada Itoobiya in ay gumaad ka wadaan caasimadda.

Waxa uu ugu baaqay beesha caalamka in ay wax ka qabato gardarada iyo gumaadka ciidamada Itoobiya ay ka wadaan caasimadda Soomaaliya, waxaana hadalku afhayeenka u ka dambeeyey dagaalo mar kale saaka ka curtay qeybo ka tirsan Muqdisho ka dib xabad joojin muddo maalma ah jirtay.

Afhayeenka ayaa intaas raaciyay Ciidamada Cadowga dalka kusoo duulay weerarkii gaadmada ahaa ee ay soo qaadeen waa looga adkaaday hase ahaatee Ciidamada Deegaanka ee Hawiye waxey dhaar kumarayaan in inta ay gabar Hawiye kadambeyso ay dagaalamayaan iskana celinayaan Ciidamada Cadowga ee wadanka kusoo duulay.

SomaliSwiss Omar 

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: