Ciidama kasoo goostay Dowlada kuna xayiran Gobolada dhexe

 

Galguduud (SomaliSwiss) 27, March 2007

Wararka ka imaanaya deganaada ka mid ah Gobolada dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka xanaaqay kuwo Puntland oo loo keenay Muqdisho Howlgalkii hub uruurinta Muqdisho, ayaa la sheegay in ay ku go’doonsan yihiin Degmada Ceel dheere ee Gobolka Galduduud.

Iyagoo isaga tagay Magaalada Muqdisho sababa laxiriira Dagaaladii 3 dii maalmood kadhacay  doonaya in ay dib ugu laabtaan degaanadii ay ka yimaadaan. 

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in tirada maleeshiyaadkaani ay gaarayaan ilaa 250 kuwaasoo wata ilaa 4 gaari oo nooca Tiknikada ah. 

Waxaana wararku ay sheegayaan iney qandaraas la galeen maleeshiyo madax banaan, si looga gudbiyo degaanada hoos yimaada Gobolada Galguduud iyo Mudug, waxeyna hadda ku xariyan yihiin magaalada Ceeldheere. 

Iyadoo ay soo food saartay xaalad adag kadib markii maleeshiyaadkii la socday u sheegeen in ay aad u adkaatay sii socoshadii isla markaasna ay ka war heleen in wadada loogu diyaar yahay oo la rabo in laga furto gaadiidka iyo hubka ay wataan maleeshiyaadkaasi. 

Waxeyna wararku sheegayaan cabsidaasi kadib ay ergo u dirsadeen odayaasha degaanka si ay gacan uga geystaan si ayagoo nabad ah loogu celiyo degaanadii ay ka yimaadeen. 

Maleshiyaadkani ayaa dhab ahaan la ogeyn xaaladooda iyo iney baxsad yihiin iyo iney gurmaad ahaan ugu socdaan Puntland. Inkastoo warar aan la xaqiiijin ay sheegayaan in Col. C/Laahi Yuusuf uu la socdo dhaqdhaqaaqa Maleeshiyaadkaasi iyo safarkoodaba, hadana wax war ah ilaa hadda lama soo saarin dhinaca Muumlka Ciidamada ee Dowlada maqaar saarka ah.

SomaliSwiss Yaxya

 

 

 

Somaliswiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: