Muxuu yahay khilaafka soo kala dhex galay Buubaa & C/llaahi & Cali Geedi oo daacad uwada ahaa Gumeystaha Ethiopia

 

 

Nairobi (SomaliSwiss) 26, March 2007  

Khilaaf weyn ayaa soo kala dhex galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cusmaaciil Buubaa iyo Ra’iisul Wasaare Geeddi. Khilaafkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid ku saleysan arrimo dhowr ah oo labadan nin shaqsi ahaantooda ka dhaxeeya.

Khilaafkan ayaa soo if baxay, kadib markii Diyaarad Buubaa ka qaadi laheyd Magaalada Baydhabo ay ka tagtay, taasoo Buubaa aad uga careysiisay.

Mr Buubaa ayaa markaas doonayay in Diyaaradaas ay u qaado Dhanka iyo Nairobi, waxaana amarka Diyaaradaas ay uga tagtay Wasiirka la sheegay inuu lahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xilligaas ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cusmaaciil Buubaa ayaa doonayay inuu sii tago Magaalada Riyadha ka hor inta uusan furmin shir madaxeedka Carabta.

Prof. Geeddi ayaa ayaa la tilmaamay in Buubaa uu ka hor istaagay inuu ka qeyb galo shirkaas, wuxuuna doorbiday inuu isaga laf ahaantiisa ka qeyb galo, sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah.

Buubaa ayaa lagu waday inuu ka qeyb galo shir kale oo ay yeelanayaan Wasiirada Dowladaha Carabta, waxaana si ku tala gal ah looga tiray Liiska Dowladda uga qeyb geli lahaa Kulamada Jaamacada Carabta ay ku yeelanayaan Magaalada Riyadha ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Geeddi iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa u baqoolay Sacuudi, waxaana wafdigaas Geeddi kula wehliyay xubno kooban oo ku jira Dowladiisa, waxaana ka maqnaa Xubnahaas Wasiirka Arrimaha Dibadda oo isagu xaq u lahaa inuu ka qeyb galo shirka wasiirada arrima dibadeedka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaad moodaa inuu maroorsaday Awoodihii qaar ka tirsan Wasiiradiisa ay ku lahaayeen Xukuumada, isagoo keligii isu madax banaaneeyay ka qeyb galka arrimaha shirarka caalamiga.

Arrinta Liiska loogaga saaray Cusmaaciil Buubaa socdaalka Sacuudiga ayaa la tilmaamay in ay isla ogaayeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu ka fekerayo inuu is casilo, maadaama awoodii uu u lahaa in Wasaaradiisa ay kaga qeyb gasho shirkaas laga hor istaagay.

SomaliSwiss Yaasmiin 

 

 

 

 

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: