Maxaabiistii laqa qabsaday Dowlada oo lasii daayay & ayagoo uwaramay Saxaafada una sheegay hadalla cajiib ah

Muqdisho (SomaliSwiss) 26, March 2007

Odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye ayaa maanta ku wareejiyey eheladooda iyo ururada bulshada rayidka ah ilaa 18 maxbuus oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Kuwaasoo lagu qabtay dagaalkii maalmo ka hor ku dhexmaray qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho ciidamada dowladda federaalka oo taageero ka helaya Itoobiya iyo maleeshiyooyin ku mideysan beelaha Hawiye.

Maxaaabiistan oo intii aan lagu wareejin eheladooda loo soo bandhigay saxaafada ayaa waxaa ka muuqatay xaalad degan, waxaana qaarkood oo saxaafadu ay wareysi la yeelatay ay sheegeen in intii la hayey loola dhaqmay si wanaagsan oo wax dhibaato ahna aan loo geysan.

Waxayna u mahad celiyeen odayaasha beelaha Hawiye ee ka soo shaqeeyay sii deyntooda si shuruud la’aan ah, waxaana maxaabiistaasi ku jiray qaar ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Afhayeenka odayaasha Dhaqanka beelaha Hawiye Axmed Diiriye ayaa sheegay in sii deynta maxaabiistan ay muujineyso sida beesha Hawiye ay uga niyadsan tahay wax ka qabashada xaalada ka taagan magaalada Muqdisho.

Isagoo sheegay in loo baahan yahay dowladda federaalka Soomaaliya ay sii deyso dad aad u fara badan oo uu sheegay iney ka mid yihiin qaar lagala baxay guryahooda oo ilaa hadda aan la ogeyn geeri iyo nolol waxa ay ku sugan yihiin, maxkamdna aan la soo taagin.

Balse waa wax aad ukala dheer Odayaasha Hawiye nabada ay wadaan iyo C/llaahi Yusuf sida uu karabo Magaalada Muqdisho.

C/llaahi Yusuf ayaa ah ninka illaa iyo hada ladaba taagan Beelaha Hawiyoo dhan iney yihiin Argagixiso kana dhaadhiciya dadka dhageysta hadalkiisa amaba raacsan mowqifkiisa.

Waxaase intaasoo dhan aan raali ka aheyn Dhalinyarada kasoo jeeda beelaha Hawiye oo iyaga aan umuuqan in ay wadanka Soomaaliya inta ay joogaan Ciidamada Puntland & kuwa Ethiopia aan lagaari doonin Heshiis buuxa diyaarna u ah in ay illaa ay kahureeyaan Magaalada Muqdisho ayan fowda joojin.

Wadanka Soomaaliya ayaa ah mid la iibsaday oo aan wax kaqabad laheyn oo mid walboo madax ahba wuxuu ujeedaa oo kaliya dantiisa oo wax qaranimo layiraahdo shaqadooda maaha waxaadna kagaran kartaaba midba midka kale wuxuu rabo ayuu sameeyaa oo iyaga laftooda ayaamba iska war qabin waxey sameynayaan.

SomaliSwiss Omar 

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: