Caruur kugeeriyootay dab kakacay guryo kuyaala Degmada Buqda Aqable

 

Buqaqable (SomaliSwiss) 26, March 2007

Labo caruur ah ayaa ku geeriyootay tiro kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii dab uu qabsaday guri ku yaala deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia,

Dabkaan oo socday saacado ayaa waxa uu ka kacay guri ku yaala deegaanka Buq Aqable, iyadoo gurigaasi ay ku sugnaayeen labada caruurta ah ee geeriyootay.

Dabkaan ayaa sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah waxaa sababay burjuko tiilay gurigaasi xilli hooyadii guriga ay ka maqneyd, waxaana guriga ku jirey labadaas caruurta ah ee geeriyootay,

Sidoo kale dabkaasi ayaa waxa uu dhaawac u geeystay labo haween ah oo u soo gurmaday gurigaasi dabka uu ka kacay.

Warku  Waxa uu intaasi ku darayaa in dabkaan ay damiyeen dadka deegaanka oo sameeyay dadaalo badan.

Lama soo sheegin saameyn kale oo dabkaasi uu ku yeeshay dhismayaasha kale ee ku dhowaa guriga dabka uu ka kacay, mana ahan markii ugu horreysay oo dab uu qabsado guri ku yaala deegaanka Buq Aqable.

SomaliSwiss Cabdi 

 

 

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: