Wariye katirsan Idaahada BBC da laanteeda afka Somaliga Cabdi Salaan Hareeri oo booqday Soomaalida Koonfur Afrika.

C/Salaan Hareeri

Halkaan ka akhri

Rustenburg (SomaliSwiss) 25, March 2007

Wariyaha BBC da laanteeda Afka Soomaaliga C/Salaan hareeri oo booqasho kutagay wadanka koonfur aftrika Cabdisalaan oo halkaasi ay si fiican ugu soo dhaweeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Rustenburg.

C/salaam Hareeri ayaa kadib waxaa uu u kuur galay qaabka nololeed ee Soomaalida ku dhaqan halkaasi, maadaama Soomaalida ku dhaqan wadanka koonfur afrika inta badan laga deyriyo xaaladooda nololeed.

Sababaha ugu wacanna ay tahay in ay inta badan ganacsigooda uu ku salleysan yahay meelaha tuulooyinka ah ee deegaanka u ah dadka madowga ee u dhashay wadankan koonfur Afrika.

Dadka Soomaalidana inta badan waxay si aad ah u danaynayeen in ay helaan weriyeyaal kasocda sida BBC-da oo kale inay mar un arrimahooda u kuur galaaan welibana codkooda adduun weynaha mar un lagamaqlo wax yaabaha ay ka cabanayaan.

Wariye C/Salaan Hareeri ayaa iminka kusugan wadanka Koofur Afrika ayadoo uu lakulmay Soomaali badan oo kudhaqan wadankaasi.

SomaliSwiss Deeqoow 

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: