Shir xasaasi ah oo usoconaya Odayaasha Beelaha Hawiye loogana hadlayo wadahadal ay soo codsadeen Saraakiisha Ethiopia oo horay ay isku afgafeen

Hawiye

Muqdisho (SomaliSwiss) 25, March 2007

Culimaa´udiinka iyo Waxgaradka beelaha Hawiye ayaa lagu soo waramayaa in ay kulan ku leeyihiin magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka wada arinsanaya sidii loo wareejin lahaa maxaabiis ka mid ah ciidamada dowladda oo dhowaan lagu qabtey dagaaladii ka dhacay Muqdisho, iyadoo dhinaca kale saraakiisha ciidamada Ethiopia ay kulan kale ugu yeertay odayaasha.

Afhayeenka Odayaasha Beelaha Haiwye Nabadoon Axmed Diiriye oo u waramay Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in kulan xasaasi ah ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaasi ay uga arinsanayaan bal qaabkii ay u wajihi lahaayeen kulan ay la yeesheen saraakiisha ciidamada Ethiopia.

Kadib markii shalay ay isku afgaran waayeen saraakiisha ciidamada Ethiopia iyo odayaasha Beelaha Hawiye wada hadal ku dhex maray magaalada Muqdisho.

Iyadoo ciidamada Ethiopia ay ku wargaliyeen odayaasha Beelaha Hawiye in ciidamada Ethiopia ay ka howl-gali doonaan goobo badan oo ku yaala Muqdisho fariisimo badana ay ka sameysan doonaan isla markaana ay guri guri u baari doonaan magaalada Muqdisho.

Axmed Diiriye ayaa sidoo kale sheegay in kulankooda ay uga tashanayaan ilaa 25 askari oo Maxbuus ahaan ay u heystaan beelaha Hawiye dhowaan dagaal ku dhex maray maleeshiyadooda iyo ciidamada Puntland oo taageero ka helaya kuwa Ethiopia.

Waxa uu sheegay in sidoo kale kulankooda ay uga arinsanayaan kulan kale oo saraakiisha ciidamada Ethiopia ay ugu yeereen odayaasha beelaha Hawiye.

Afhayeenka Beelaha Hawiye ayaa intaasi ku daray in ciidamadooda ay joogaan aagaggii ay ku jireen balse aysan jirin wax ciidamo ay leeyihiin oo ka soo baxay aagaga, isla markaana ay dhowrayaan xabad joojinta la gaaray. 

SomaliSwiss Omar 

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: