Mudane Blocher oo isugu yeeray Ururrada Muslimka ah ee ka jira Dalkan Switzerland

 

Zürich (SomaliSwiss) 24.03.2007 

Bidix- Pascal Couchepin – Midig Christoph Blocher

————————————————————————————

Wasiirka Caddaaladda iyo Boliiska Mudane Christoph Blocher ayaa la kulmi doonoTalaadada soo socota Wakiillada Jaaliyadaha kala duwan Muslimka ee ku nool dalkan Switzerland,wuxuuna kala hadli doonaa qodob-

bada Nabadgelyada,Is-dhexgelka iyo sidii loo wajahi lahaa.Sidaas waxaa caddeeyey Mudane Livio Zanolari oo ah Codbaahiyaha Waaxda Federaalka Cadaaladda iyo Boliiska.

Codbaahiyuhu wuxuu intaa raaciyey in kulanku uu yahay mid loogu yeeray Ururrada Muslimka ah iyo Maamulkooda ee ma ahan hawl u taala ama ay shaqo ku leeyihiin Kantoonada iyo Waaxyaha kale ee Federaalka.

Warkan ayaa waxaa dood kala soo horjeystay qaar ka mid ah Madaxda Sare ee Federaalka ee ay ka mid tahay Madaxweynaha Kaltanka Marwa Micheline Calmy-Rey iyo Mudane Pescal Chouchepin.

Waxayna sheegeen inay habbooneyn in arrinta Is-dhexgalku (integration) loogu yeero hal dhinac ama hal Diin oo kaliya.

Golaha Fulinta Federaalka ayaa la sheegay in arrintan lagu soo wargelinin,ha yeeshee ay ka arkeen Jimcihii wargeyska “Tages-Anzeiger”balse arrinta Is-dhexgalka ay wax ku leeyihiin Waaxyaha kala duwan ee Federaalka ee ma ahan oo keliya Waaxda Federaalka Cadaaladda.Fadhiga ugu horreeya ee ay kulmi doonaan 7da Golaha Fulinta Federaalka ayaa loogu doodi doonaa arrinta uu wato Blocher, si xal loogu gaaro,sidaas waxaa caddeeyey Waaxda Federaalka ee Arrimaha Gudaha, wuxuuna intaas raaciyey in ay jiraan fikrado kala geddisan.

Mudane Pascal Couchepin ayaa arrintan ka muujiyey dareen,taasoo keeni karto dhibaato cusub oo hor leh, wuxuuna sheegay in marka hore loo baahan yahay in la xalliyo dhacdooyinkii horey u jiray ee ma ahan in la abuuro xaalado adag oo kale.

Haddaba fikradda uu wato Mudane Blocher,waxay culeys ku noqonaysaa hal jaaliyad oo keliya,taasoo ah tan Muslimka , dhib weyna gelin doonta Mashruuca Is-dhexgalka,waxaana ka dhalan kara in la takooro dadka Muslimka ah oo keliya.

 

 

Somaliswiss-Tarjume-A.Dhicisow

 Emailka:- somaliswiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: