Heshiiskii xabad joojinta ee udhexeeyay Odayaasha Hawiye & Saraakiishii Ethiopia-ka oo burburay lana filayo dagaalkii istaagay maanta dib ubilowday

war degdeg ah

Muqdisho (SomaliSwiss) 24, March 2007

Shirkii xabad joojinta udhexeeyay Odayaasha Hawiye & Saraakiisha Ciidamada wadanka kusoo duulay ee Ethiopia oo uu bur bur kuyimid kadib markii ay sheegeen in ay doonayaan in ay guri guri ugaleen Xaafadaha Muqdisho si ay ubaaraan Guryaha.

Sidoo kale waxaa si weyn uga hor yimid Odayaasha Beelaha Hawiye oo sheegay hadii ay Ciidamada Cadowga ay diideen in ay joojiyaan waxa uu soo faray C/llaahi Yusuf oo ladoonayo in lagu maja xaabiyo Beelaha Hawiye.

Odayaasha Hawiye ayaa sheegay in ay ayaga dhinacoodana kabexeen heshiiskii ahaa Xabad joojinta ayna diyaar uyihiin in ay dagaal kala hor tagaan cid walboo isku dayda in ay baaritaan kasameeyso Xaafadaha Muqdisho.

Waxaa si weyn loo dareemayaa kadib markii uu burburay heshiiskii xabad joojinta in daqiiqad walba ay dhici karto in la isku qaado dagaal kaasoo lafilayo in uu noqon doono mid faraha leysaga gubto qofwalbaana tabartiisa ay noqon doonto.

Odayaasha Beel weynta Hawiye ayaa kunuux nuuxsaday in ay ufariisan doonin cid walboo dhankooda soo aada ama weerar kusoo qaada ayna ladagaalami doonaan cid walboo soo haweysata in ay xaafadaha soo gasho.

SomaliSwiss Omar 

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: