dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu xir xiray garoowe ayadoo kuwa kalana lagu dilay xabsiga dhexdiisa

 

 

Muqdisho (SomaliSwiss) 24, March 2007

Dhalinyaro Somaliyeed oo ka tagay Magaalada Muqdisho, koonfurta dalka Somalia ayaa lagu xirey xabsi ku yaala magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayadoo qaar kamid ahna lasheegay in laqowracay.

Illaa iyo hada lama sheegi karo tirada dhabta ah ee dilka loogu geystay xabsiga dhexdiisa.

Ciidamada booliska ee maamul goboleedka Puntland ayaa waxa ay xabsiga dhigeen in ka badan 70 ruux oo dhalin yaro ah kuwaasi oo ka soo ambabaxay koonfurta dalka Somalia oo ku sii jeeday gobolka Bari.

Ciidamada Booliska ayaa waxa ay ku sheegeen sababaha ay u xireen dadkaan in ay tahay ka dib markii ay uga shakiyeen falal amaan darri waa sida ay sheegeene.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Nugaal ayaa ku eedeeyay dhalinyaradaan in ay yihiin kuwo falal amaan darri ah ka waday gobolada Puntland.

Laakiin dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in dhalinyaradaan ay ahaayeen tahriibayaal ku sii jeeday dalka Yemen.

Waxaa kaloo lasoo xaqiijiyay in loo geystay jir dil aad uxoogan, ayadoo lala xiriirinaya dhibaatadaas arima qabiil oo ah waa dagaalka Muqdisho kasocdee.

SomaliSwiss Omar 

 

 

Somaliswiss@hotmail.com

 

 

%d bloggers like this: