Ciidamada kacdoonka shacabka oo soo buuxdhaafiyay Xaafadaha Muqdisho

 

Muqdisho (SomaliSwiss) 24, March 2007  

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka tirsan Ciidamada Kacdoonka Shacbiga Muqdisho oo aad ah u hubeysan ay shalay ilaa xalay soo buuxiyey goobo cusub oo ka tirsan degmooyinka magaalada Muqdisho.

Kuwaasoo aan horey u joogi jirin, waxaana ka mid ah goobahaasi Isgoyska bakaaraha ee degmada Hodan, H/wadaag iyo deegaano ka tirsan xaafadda Bermuuda gaar ahaan dhinaca koonfureed ee shineemo Ekwatoore iyo agagaarka garoonka diyaaradaha dhanka xaafada ku dhow afisiyone.

Dhaqdhaqaaqaan cusub iyo fariisinadaan ay soo buuxiyeen Ciidamadan Kacdoonka Muqdisho ayaa ku soo beegmay xili ay jirto xabad joojin caata ah oo aan cago badan ku taagneyn, taasoo ay u dhaxeyso Ciidamada Ethiopia iyo Maleeshiyaadka Puntland oo dhinac ah iyo Kacdoonka Muqdisho oo dhinaca kale ah.

Waxaana maleeshiyooyinkaasi ay khal-khal badan ku keeneen qaabka howlgelinta ee maleeshiyaadka Puntland iyo Ciidamada Ethiopia, kadib markii ay Ciidamada deegaanka oo aad u hubeysan ay soo dageen aagag cusub oo ay ku doonayaan iney kala jaraan gurmadyada dhinaca ka soo horjeeda.

Waxeyna soo dageen agagaarka xaruntii shaqaalaha ee wadada Maka Al-Mukarama oo ah mida kaliya ee ay isticmaalaan gaadiidka maleeshiyaadka Puntland iyo Ethiopia iskuna xirta Madaxtooyada iyo wadada Ex-kontrol afgooye.

Iyadoo dad badan oo deegaankaasi ku dhaqanna ay ka walaacsan yihiin in dagaaladu ay halkaasi ku soo fidaan haddii ay burburto xabad joojinta la sheegay iney haatan ka jirto magaalaada Muqdisho oo daqiiqad walba la filan karo iney burburto ayadoo weli la isku horfadhiyo goobihii lagu dagaalamay.

Maanta ayaa kulan kale la filayaa inuu dhex maro xubno ka socda Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia kuwaas oo ka doodi doona talaabada xigta ee laga wada hadli karo kadib markii ay dhaqan gashay xabad joojin jilicsan.

SomaliSwiss Omar 

 

 

Somaliswiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: