Magaalada Baladweyne oo lagu soo daadiyay Waraaqo dadka looga digayo in ay la shaqeeyaan Dowladda u adeegta Ethiopia.

 

Muqdisho (SomaliSwiss) 23, March 2007

Waxaa Maanta markii ugu horeysay lagu arkay Magaalada Baladweyne waraaqo fara badan oo lagu daadiyay Gudaha Magaalada iyadoo waraaqahaasina ay ku qornaayeen Digniino. 

Digniinaha ayaa waxa ay ku wajahnaayeen Shacabka kudhaqan Gobolka Hiiraan iyagoo looga digayay in ay la shaqeeyaan Gaalada Dalka kusoo duushay iyo Sidoo kale dowladda Maqaar saarka ah.

 Sidoo kale waxaa lagu sheegay Digniinahaasi in ciddii la arka iyadoo la shaqeyneysa Gaaladaasi lagu qaadi doono sharciga Allaah,  waxaana sidoo kale looga digay inta iminka la shaqeysa in ay iskaga tagaan Magaalada ama aysan wax shaqo ah u qaban gaalo raacyada oo ay iska joogaan keliya Xaafadahooda si ay u Nabad galaan.

 Waa Farriintii ugu horeysay oo Reer Baladweyne loogu geeyo Xaafadahooda iyadoo Gobolka Hiiraan uu noqonayo Gobolka ugu horeeya ee si toos ah loogu digayo in lala shaqeeyo Dowladda Maqaarsaarka ah iyo Gaalada ay wataan intaba.

 Soomaaliya ayaa dib waxaa uga dilaacay Kacdoonkii shacab oo lamid ah tii lagu eryay Isbaheyisgii Argagixiso ladirirka oo xilligaasi la iskugu geeyay awoodihii dalka xoogga ku  heystay  ee shayaadiinta aheyd Mareykanna uu soo fangareyn jiray. 

SomaliSwiss Omar 

Somaliswiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: