Ciidama beeleedkii ugu badnaa oo kasoo goostay dhanka Dowlada soona gaaray dhinaca Ciidanka ladagaalamayay kuwa Puntland & Ethiopia

 

Muqdisho (SomaliSwiss) 23, March 2007

Waxaa maanta ka soo goostay dhinaca dowladda KMG Soomaaliya ciidamo aad u tira badan, kuwaasoo ka soo jeeda qabiilka ama beel weynta Hawiyaha ah.

 

Ciidamadan oo tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 500 ayaa markii ay ka soo goosanayeen dowlada iska siibay dareyskii ciidamada dowladda lagu yaqiinay ee ay xirnaayeen, waxayna ciidamadani wateen illaa 15 gaari oo u badnaa Tikniko, waxayna ciidamadani ka mid ahaayeen ciidamadii lagu soo tababaray garoonka Bali-doogle ee gobolka Sh/hoose.

Ciidamadan ayaa ka soo kala goostay labo jiho oo kala ah dhinaca nawaaxiga xarunta madaxtooyada ee Villa Somalai, iyo weliba dhinaca duleedka magaalada Muqdisho ee Afgooye, iyadoo la tilmaamay in ciidankani uu ka dhaxeeyey xiriir dhinaca isgaarsiinta ah oo ay ku balameen inay wada goostaan.

Ciidamadan oo ahaa kuwo ka soo jeeda beesha Hawiyaha ayaa goosashadooda waxay ka dambeysay kadib markii ay dagaalo dhex mareen ciidamada dowladda iyo kuwa wax iska caabinta, dagaalkaas oo ay dad badani u fasireen inuu u dhaxeeyo ciidamada beelaha Hawiyaha iyo kuwa ka soo jeedaan gobolada Puntland ee Soomaaliyeed.

Ciidamadan kasoo goostay ayaa isu diyaar gareynaya dagaalka lagula jiro ciidamada Puntland & kuwa dalka kusoo duulay ee Ethiopia oo maal mahamba kasocday Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa xaqiijiyay in ay dowlada kadareemeen si cadna uga arkeen in ay tahay Dowlad qabyaaladeed ee udaneysa danaha Reer Puntland & tan Ethiopia eyan dan kalaheyn shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kudhaqan Muqdisho ee hawiyaha. 

SomaliSwiss Omar 

Somaliswiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: