Diyaarad gantaal lagu soo riday kuna dhacday inta udhaxeysa Darmooleey & Suuqa Xoolaha Muqdisho

 

Warar dheeraad ah oo gadaal naga soo gaaray ayaa sheegaya in ay diyaaradii maanta lasoo riday ay kudhinteen 11 Askar  AU da ah warkaasina waxaa saxaafadda usheegay Afhayeenka Ciidamada African-Union-ka Paddy Akunda & Salaad Cali Jeele .

Muqdisho (SomaliSwiss) 23, March 2007

Diyaarad weyn oo weli aan la garan nuuca ay tahay ayaa saacaddu markii ay aheyd 05:25PM xilliga Muqdisho waxaa lala helay Gantaal iyadoo markaa kadibna ku dhacday Inta u dhaxeysa Darmooleey iyo Suuqa Xoolaha.

Diyaaraddani ayaa lagu arkay cirka iyada oo holceysa inkastoo markii ay kasoo kaceysay Garoonka Muqdisho ay nabad qabtay, waxaa aan la ogeyn illaa iyo iminka nuuca ay aheyd diyaaradaasi mid dalaag iyo mid rakaabba.

Waxaa iminka kasoconayameeshi ay kudhacday Diyaaraddaasi bililqo baahsan iyada oo holceysa, mana jiraan warar dheeraad ah oo kasoo baxaya Halka diyaaradda ay kudhacday.

Sidoo kale majirto illaa iyo hadda cid sheegatay inkastoo aan dib idinkaga soo sheegi doono cidii ka dambeysay soo ridista diyaaraddani, waxaana la isla dhex marayaa in ay  tahay diyaaradda nuuc militari oo saanad u keentay Dowladda Maqaarsaarka ah iyo Ethiopian-ka dalka kusoo duushay. 

SomaliSwiss Omar 

Somaliswiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: