Faallo:- Akhri qoraalka maqaalkan,kala soo bax su’aashan jawaabteeda,haddii aad dooneysid inaad noqoto Waddani dhab ah ee ka damqanaya sifooyinka xun ee loo isticmaalay Ereyga qabiilka.

 

Swiss-Zurich (SomaliSwiss) 22, March 2007     (Qeybtii 1aad)

Sida la wada ogsoon yahay cadowga ugu weyn ee ay Soomaa-lidu leedahay waa QABIILKA ;qabiilka waa wax ama shay jira , hase yeeshee ummad waliba waxay ugu dhaqantaa hab-dhaqameydkeeda, jiilkasta casrigeeda ayey u rogtaa hab dhaqan-dhaqameydkeeda.

“Haddaba goormaa la heli karaa sirta dahsoon ee Qabiilku“? Akhri qoraalka maqaalkan,kala soo bax su’aashan jawaabteeda,haddii aad dooneysid inaad noqoto Waddani dhab ah ee ka damqanaya sifooyinka xun ee loo isticmaalay Ereyga qabiilka.

Ummad kasta oo ku nool dacallada dunida guudkeeda dhacdada qabiileyd way soo wada mareen, hase ahaatee teenu waa tan ugu foosha xun ee ka dhacda dunida korkeeda.

Inta aan ku dhex jiray qoraalka maqaalkan ka hor,ayaa wxaan soo akhriyey buugaag taariikheed ee ay qoreen qorayaal kala aragti duwan oo Ajaanib iyo Soomaaliba leh , si aan u raad raaco , hase ahaatee , waxaan kala kulmay jahawareer , waayo qaarkood si kooban ayey wax uga qoreen taariikhda Soomaaliyeed.

Gumeysigu marna ma oggoleyn in la qoro taariikhda Soomaalidu,lana baro; sidaas awgeed ayaa ilaa iyo maanta muran xoog leh ka taagan tahay meesha ay ka soo unkatay ummadnimada dad ka Soomaaliyeed iyo taariikhdooduba .

Waayo waxaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa, dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya 1977kii , Mingisto Xeyle Maryam wuxuu ku doodi jiray oraahdan: “Ma jiro dhul Soomaali la yiraahdo ee waxaa jira Qoomiyad  Soomaali ah , kana mid ah qoomiyaadka kala duwan ee reer Itoobiya”,waa tan hadda Soomaalidii Xorta ahayd loo qaybiyey sidatan:-

  • -Kelinka Lixaad ee Soomaalilanda.

  • -Kelinka Toddobaad ee Soomaali-Puntland.

  • -Kelinka Sideedaad ee Soomaalida Bayland.

  • -Kelinka Sagaalaad ee Soomaalida Jubbaland.

  • -Kelinka Tobnaad ee Soomaalida Banaadirland.

Hadalkaas oo Mingistu ka jeediyey Golaha Ammaanka ee Qarammada Midowbay(UN),muxuu micnihiisa yahay? Kaaga sii darane,waxaan la kulmay , inta aan ka shaqeynayey Wasaaradda Warfaafinta sanadihii 1973 ilaa 1980kii, ayaa waxaan la kulmayey , Su’aalo i dareen geliyey oo ay  i weydinayeen qorayaal shisheeya ah oo booqasho ku yimid dalkeenna , lana ii xil saaray in aan la socdo , kuna soo wareejiyo dhulka ballaaran ee mara labada Wobi ee dalkeena.

Muddo saddex toddobaad oo safar dheer ah kadib waxaan u soo laabanay Magaalada Muqdisho, Wofdiga qorayaasha waxay i weydiyeen su’aashan:Aaway dadki iska lahaa dhulkan ballaan oo barwaaqada ah?

Laguma soo koobi karo qoraalkan waxyaabaha i dareen geliyey,kana danqaday xanuunka su’aalaha qallifsan oo aan had iyo jeer kala kulma doodaha ama aaraada aan is dhaafsano weriyayaasha shisheeye oo Muslim iyo Masiixiba leh.

Haddaba si loo gaaro in somaalidu ku faanto Dadnimadeeda, Diinteeda Dalkeedaba,waxaa lama huraan ah,in inta yar ee garatay qiimaha iyo qaayaha Waddaninimadu ay u leedahay qofka dhalashadiisa,hiddaha iyo dhaqankiisa.

Sidaas darteed waa in la qaadaa olole wacyi gelin ah, si loogu gudbo ku daneysiga qabiilka ee ka jira dalka soomaaliyeed.

La soco qaybaha kale Toddobaadka dambe

Somaliswiss-Qore:- A.Dhicisow

 Email:- somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: