Dagaalka oo kusii fiday Gobolada gaarayna degmada cadaado loogana qabsaday

war degdeg ah

Cadaado (SomaliSwiss) 22, March 2007

Wararka naga soo gaaraya Degmada Cadaado ee Gobolka GalGuduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu qarxay kaasoo u dhaxeeya Dadka degaanka iyo Maleeshiyo beeleedka ka yimid Puntland, waxaana la sheegay in ugu yaraan 15 qof ay ku nafwaayeen tiro 40 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray. 

Dagaal culus oo saakay ka qarxay degmada Cadaado, iyadoo dagaalkaasi uu u dhaxeeyo dadka deegaanka iyo maleeshiyaad reer Puntland ah. 

Dagaalkaan oo saakay ka qarxay gudaha magaalada Cadaado ayaa muddo gaaban ka dib waxaa la iskula baxay meel duleedka kaga beegan magaalada dhanka Gaalkacyo. 

iyadoo sida la sheegay ay jiraan qasaarooyin badan oo loo geestay Maleeshiyaadka Puntland kuwaasoo la sheegay in 30 ka mid ah maleeshiyaadka oo dhaawac qaba la geeyay isbitaalka Waqooyiga magaalada Gaalkacyo. 

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka degaanka oo ku sugan magaalada Cadaado, dagaalka ayaa ah mid aad u xoogan si kedis ahna ku dhacay, iyadoo muddo gaaban kadib dhawaqa rasaasta oo markii hore laga maqlyay gudaha magaalada ayaa markii dambe waxaa laga sii maqlayay magaalada meel kabaxsan. 

Warar ayaa waxa ay sheegayaan in 4 gaari oo kuwa dagaalka ah kuwana laga gubay, qaar kalena laga qabsaday, iyo sidoo kale 1 booyad oo  shidaal siday iyo gaari kale oo saadka iyo rasaasta u siday maleeshiyaadkaasi, inkastoo wararku ay sheegayaan in dagaalkaan la la xiriirinaayo kuwa ka socda caasimadda Somalia kuna dhex maraya maleeshiyaad ka tirsan dowladda iyo kacdoonka shacbiga. 

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga cabsi qabaa in dagaaladaan ay saameeyaan deegaano kale oo ku yaala gobolada dhexe ee Somalia.   

                     SomaliSwiss  Ahmed 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: