Muqdisho oo uu kasoconayo Dagaal aad u qaraar & Askar layaayay & Dagaalka oo kufiday Magaalada oo dhan

Askari1

Sawirada Hoos kafiirso

Muqdisho (SomaliSwiss) 21, March 2007

In ka badan 20 ruux oo 9 ka mid ah ay tahay ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia ayaa ku nafwaayay tiro 80 ka badana dhaawac ayaa ka soo gaaray Dagaalo qaraar oo saakay ka bilowday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasi oo ku fidey deegaano hor leh oo ku yaala W/magaalada Muqdisho, iyadoo maxaabiis looga qabsaday ciidamada dowladda KMG ah.

Dagaalkaan oo u dhaxeeya ciidamada Ethiopia oo taageeraya kuwa dowladda iyo Ciidamo ka soo horjeeda ayaa ka socda ilaa iyo haatan deegaanada ku xeeran wasaaradii hore ee G/dhiggga, xeradii hore ee Oodweyne iyo agagaarka rugtii hore ee saraakiisha, waxaana wali la maqlayaa Hugunka madaafiicda iyo daryanka rasaasta cul culus oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac, iyadoo dagaal hor leh uu haatan ka bilowday wadada Hotel Ramadaan ee W/magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay isaga soo horjeedaan ciidamada dowlada iyo kooxo kale oo diidan ciidamada shisheeye.

Dagaaladaan oo ah kuwii ugu qaraaraa ee ka dhaca caasimadda Somalia ayaa u muuqanaya marba marka ka dambeysa mid yeelanaya wajiyo cusub, iyadoo dagaalka uu yahay mid si rasmi ah aan tafaasiil looga bixin karin qasaarihiisa.

9 ka askari ee Ciidamada Dowlada ah ee dagaalkaasi ku geeriyooday ayaa waxaa xaqiijiyay wariyeyaal ka tirsan SomaliSwiss oo sawiro ka soo qaaday meydadka askartaasi oo dad careysan ay ku jiidayeen wadooyinka magaalada Muqdisho.

Labo ka mid ah meydadka askarta ciidamada Ethiopia ayaa lagu gubay agagaarka Baar Ubax ee magaalada Muqdisho sida ay soo sheegeen wariyeyaal ka tirsan shabelle.

Ciidamada Muqaawamada dagaalka kula jira ciidamada Dowlada ayaa waxa ay soo bandhigeen maxaabiis gaaraysa illaa 15 oo ka tirsan ciidamada dowladda, iyadoo maxaabiistaasi qaarkood ay dhaawac yihiin..

Ilaa iyo wali waxaa cakiran xaaladda guud ee magaalada Muqdisho, iyadoo qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho isku socodka gaadiidka iyo dadka uu istaagay.

Madaafiic waaweyn ayaa waxa ay ku dhacayeen xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho oo dad rayid ah dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaareen.

Ilaa 70 ruux oo ka mid ah dadka ku dhaawacmay dagaaladii maaanta oo qaarkood waxyeelo ay ka soo gaartay madaafiicdii ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ay ku rideen xaafadaha Muqdisho ayaa waxaa la dhigay Isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkaan ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoo lagu arkayay wadooyinka magaalada Muqdisho boqolaal qoys oo gacamaha ku sita caruur iyo alaabo kuwaasi oo u baxasanayay deegaanada ku dhow dhow magaalada Muqdisho si ay uga badbaadaan rasaasta habowga ah.

Dagaalkaan oo bilowday saakay 6:00 dii aroornimo ayaa ilaa iyo wali si goos goos ah u soconaya, waxaana uu ku soo beegmay xilli beelaha Hawiye kulan ay ku yeesheen shalay magaalada Muqdisho ay ka soo saareen qodobo xasaasi ah oo ay ku sheegeen in aysan u dulqaadan doonin xasuuqa iyo madaafiicda lagu leeynayo dadka reer Muqdisho.

Iska horimaadkaan ayaa waxa uu yimid ka dib markii ciidamada dowladda ee tababarka u soo dhamaaday iyo ciidamada Ethiopia ay saakay soo buuxiyeen xeradii hore ee Oodweyne, halkaasi oo wali ay ka jirto dagaallo ba’an.

 

                  SomaliSwiss  Omar 

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: