Dagaalka oo sii fiday & Ciidamada Ethiopian-ka oo isaga baxay dagaalka ay isku hayaan dadka deegaanka & kuwa Puntland

 

Muqdisho (SomaliSwiss) 21, March 2007  

Dagaal qaraar ayaa goor dhow ka qarxey  inta u dhaxeysa xerada Maslaxa iyo Darmooleey ee duleedka Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho. 

Dagaalkan ayaa bilowdey kadib markii ciidamo Dowlada ah oo ku sugnaa xerada Maslax isku dayeen in ay soo galaan magaalada ayaa waxaa ka hortagey oo dagaal fool ka fool ah la galey ciidamo degaanka iska abaabuley oo maalmahanba halkaa ku sugnaa. 

Dagaalkan oo la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan ayaan weli si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee uu geystey. 

Madaafiicda la’isku adeegsanayo qaar kamid ah ayaa waxey soo gaareyn xaafada Juungal iyo Fagax halksoo dad rayid ah ku waxyeeleysey. 

Dagaalkan oo ah mid aad u culus ayaa dhawaaqa rasaasta laga maqlayaa dhamaan magaalada Muqdisho. 

Shacabka deganaa Magaalad Muqdisho ayaa bilaabey in ay ka qaxaan guryahooda iyaga oo aan ogeyn meel ay u qaxaan madaama magaalada dhinac walba uu dagaal ka socdo 

Dhinaca kale  waxaa isaga baxay dagaalka ciidamadii Ethiopian-ka kadib markii laga qabsaday wasaaradii gaashaandhigga ayadoo ay isku dheceen C/llaahi Yusuf & Talihihii Ciidamada Ethiopia iyagoo isku af garan waayay sababta looga qabsaday wasaarada gaashaandhigga. 

Dadka qaar ayaa sheegaya in uu dagaalka galabnimadii maatna isku badalay Ciidamada Deegaanka Muqdisho & kuwa Puntland ayna isku horfadhiyaan dagaal meel walbaba ayadoo inta badanna ay gacan kuheynteeda lawareegeen Ciidamada Deegaanka Muqdisho 

 

 

SomaliSwiss  Omar 

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

%d bloggers like this: