بيان من” كتائب التوحيد والجهاد في بلاد الصومال”” oo sheegtay weeraradii Maalmahamba kasocday Muqdisho

 

Muqdisho (SomaliSwiss) 20, March 2007

 Allaah ayaa Mahad iskaleh, Allihii naga dhigay Muslimiin naguna sharfay Sharafta Islaamka oo aanan naga dhigin kuwa dibiyada, Dabka iyo waxyaabaha lamidka ah Caabuda, Ilaahayow Adigaa Mahad leh mar walibana kuu Mahad celineynaa kuguna Mahad Celineynaa sida aad inoogaga dhigtay Umadda kuwa ugu kheyrka badan.Allaah Mahadiisa kadib.

Xarakada kataa’ib Al-tawxiid wal Jihaad Fii Bilaadisuumaal, waxa ay ku guuleysteen in ay fuliyaan Amarka Allaah, iyagoo Habeenkii xalay ahaa 19-03-2007 Weerar ku qaaday Dhowr goobood oo ay degan yihiin Gaalada Dalka kusoo duushay iyo Daba dhilifyadooda.

Gantaalihii Xaralkadani ay Tuurtay ayaa waxa ay kala gaartay Goobo fara badan oo Gaalada iyo Daba dhilifyadooda ay kusugan yihiin kuwaasi oo kala ah, Xarunta Villa Somalia, Dekedda weyn ee Muqdisho, Gurigii Habar Khadiijo (Daarusalaam), Xaruntii hore ee Nabad Sugidda, Xarunta Gaadiidka Booliska, Dhammaan Hawlgalkii xalay ayaa katiibadani ay ku guuleysatay iyadoo khasaare lixaad leh-na u geysatay Cadowga Islaamka gaar ahaan Cadowga Soomaaliyeed ee Soo duulay.

Katiibadani ayaa waxa ay balan qaadeysaa in ay sii kordhiso weeraradeeda iyadoo la bartilmaameedsaneyso Inshaa Allaah Goob waliba oo ay kusugan yihiin Gaalada Wadankeena Daahirka ah kusoo duushay iyo sidoo kale wixii dabo dhilif u ah oo la shaqeeya.

Sidoo kale Katiibadani waxa ay uga digeysaa Shacabka Soomaaliyeed ee Maatida ah in ay ka fogaadaan Goobaha ay kusugan yihiin Gaalada iyo Daba dhilifyadooda gaar ahaan goobaha ay ku badan yihiin isla markaana ay ka abaabulayaan waxa ay ugu magac dareen sifeynta Muqdisho oo ay ku doonayaan in ay ku baabi iyaan Hantida Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii waxa ay ugu baaqeysaa Katiibadani cid waliba cid waliba oo ka qeyb qaadan karta Halganka loogu jiro xureynta Dalka in ay ka qeyb qaataan dhinackastana ay ka saacidaan Inshaa Allaah.

FG : MAR WALIBA HAKA ILOOBIN DUCADAADA MUJAAHIDIINTA KA MUQAAWAMEYNEYSA DHULKA LA HEYSTO EE SOOMAALIYA EE DAAHIRKA AH.

 Sourse Qaadisiya 

SomaliSwiss  Omar 

 

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: