Zahra Cabdulle oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool wadanka Finland oo ku guuleysatay..

Sahra Abdulle

Helsinki (SomaliSwiss) 19, March 2007 

Zahra Cabdulle oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool wadanka Finland, kana mid aheyd muddo 12 sano xildhibaanada goloha deeganka ee Helsinki, ayaa maalintii axada aheed 18, March 2007 ku guuleesatay in aay gasho golaha barlamaanka ee Finland taas oo ka dhigeysa qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah wadamada “Nordi-ga” Sida Finland, Sweden, Norway, Denmark.

Zahro waxay ahayd musharaxad xisbiga cagaaran ama Green party (Vihreä) ee Finland waxayna markii labaad muddo afar sano gudahood u sharxanayd doorashada baarlaamnaka Finland .

Zahra waxay ku dhalatay Soomaaliya kuna soo qaadatay waxbarashadeedii hore, iyadoo markii hore ka mid aheyd araydii Soomaliyeed ee wax ku baran jiray wadanka Ruushka.

Burburkii Ruusha ka dib Zahra waxay timid Finland, mana qasaarinin waqtigeedii qaaliga ahaa laakiin waxay bilowday sidii ay u sii wadi laheyd waxbarashadeeda iyadoo ka qalin jebesay machad sare oo ku yaalla Finalnd, waxayna Zahra shahaadada bechularka ku qaaday cilmiga umulisada.

Zahra Cabdulle waxay seddex jeer oo hore ku guulaysatay doorashada goloha deegaanka ee Helsinki, iyadoo mar kasta cod aad u badan ku soo galaysay. Waxaa kale oo ay zahra isu soo sharaxday sannadkii 2003 doorashadii baarlamaanka iyadoo markaas heshay codkii ugu badnaa ee uu helo qof ajanabi ku ah Finland, waxayna sigtay inay gasho baarlamaanka Finland.

                                                 SomaliSwiss  Fatima  

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: