Madaafiic lagu qiyaasay illaa 40 ayaa caawa Magaalada Muqdisho la isku dhaafsaday

 

Muqdisho (SomaliSwiss) 19, March 2007

Weerar hoobiyayaal ah ayaa caawa fiidkii lala beegsaday meela badan oo ay kamid yihiin Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaali iyo Dekada weyn ee Muqdisho sidoo kale Hotel Global, xeradii hore ee gaadiidka, iyo qeyba kaloo kamid ah Xamar Jajab,

Iyadoo sidii awalba lagu yaqiinay ay ka soo jawaabeen Ciidamada Ethiopia kuwaasoo uqeybiyay Xaafadaha Muqdisho iyadoo si xoogan la isku dhaafsanaayay rasaasta Madaafiicdaasi iyo Hoobiyayaasha.

Wararka ayaa sheegaya in ila hadda weerarkaasi hoobiyayaasha ah la bartilmaamadsaday Xarunta Madaxtooyada iyo Dekada Muqdisho, & meela kale ee ay deganaayeen Ciidamada Ethiopian-ka waxaana la sheegay in Ciidamada Ethiopia ee fariisnka ku leh Madaxtooyada ay ka jawaabeen iyagoo la beegsaday isgoeyska Howl Wadaag iyo agagaarka labadhagax iyo xaafada xamar Bile,

ilaa hadda waxaa lasoo sheegay 6 dhimasha ah iyo 12 dhaawac ah inta lagu maqlay khadka taleefanka ee aanu ku wareysanay xaafadaha ay kudheceen qaar khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo madaafiicada jawaabta ahba.

Waxaa wararku ay sheegayaan in isgoeysyada qaar ay jidgooyooyin dhigteen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Ethiopia kuwaasoo xayiray dhamaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadkaba, oo xitaa lama geyn karo dhaawac Isbitaalada Madiina iyo Benaadir.

Sidoo kale waxaa markii ay dhamaadeen madaafiicdaasi lajaray khadkii Taleefannada iyadoo ay dadka Muqdisho Madaafiicda & Taleefannada lajaray si aad ah uga walwal sanaayeen oo nin walbaaba caawa dhagaha ayuu kor utaagayaa oo kadhursugayaa maxaa soo bixi doona.

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: