Guulaha ay Soo hoynayaan Soomaalida kunool Qurbaha oo sii badaneysa

Sahra & Samiira

Dubai (SomaliSwiss) 18, March 2007    Sahra

Sahro iyo Sumayo waa laba gabdhood oo Somali ah kuna dhaqan wadanka imaaraatka carabta UAE United_Arab_Emirates, waxeyna tartan ku galeen iyagoo matalaya dalkooda hooyo ee Somaliya dalka Imaratka Carabka iyagoo soo hoyay guul lama ilaawaan ah una soo hoyay dadka iyo dalka Somaliyeed Gabdhahan ayaa da`doodu tahay inta u dhaxaysa 20 ilaa 23-jir, waxayna aad u soo jiiteen dadka xiiseeya barnaamijada aqoon iswaydaarsiga ee ku baxa luqada afka carabiga ah gaar ahaan shacabka ku dhaqan khaliijka carbeed ee Imaraatka Carabta.

Labadaan gabdhood ee walaalaha ah ayaa waxa ey ku guulaysteen barjaamij loogu magac daray Take It Or Leave It oo marka af-somali ahaan loo fasiro noqonaya Qaado ama ka tag, barjaamijkani ayaa waxa uu ka baxay taleefishinka DUBAI-TV wakhtiga cawaysaka ee habeenkii ama Maqribadii.

Barnaamijkaan ayaa ah barjaamij aad iyo aad u yaab badan waxaana ku tartama afar qof oo u kala socda labo iyo labo, halka Sahro iyo sumayo ey ka ahaayen labo ka mid ah tartamayaashaan waxa eyna matalayeen dalka Somalia iyo shacabka Somaliyeed waxayna la tartamayeen labaqof oo isqaba una dhashay dalka Ciraaq iyagoo si layaab leh ku hantiyay lacag aad iyo aad u farabadan lacagtaasoo oo dhan 201,001 dirhamka imaratka carabta una dhigmata lacagta doolarka 54,768$.

Sahro iyo Sumaayo ayaa waxa ey aad iyo aad ugu farxeen sida dhibta yare oo ey ku hantiyeen lacagta intaas dhan, waxayna aad ugu farxeen sharafa iyo karaamada ey u soo jiiden magaca dalkooda hooyo ee Soamaaliya iyo dhamaan dadka Somaliyeed.Waxaa si is daba joog ah usoo baxaya guulaha Dhalinta kunool Qurbaha ay usoo jiidayaan Wadankooda ama Umadooda Soomaaliyeed inkastoo ay wadankooda kataagan tahay Dhibaatooyin dagaal ah.

     SomaliSwiss Yusuf 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: