Taliye Ciidan oo xalay lagu dilay Magaalada Kismaayo

Kismaayo

Taliyihii ciidamada booliska magaalada Kismaayo Cabdi Gaab ayaa xalay ku dhintay cusbitalka magaalada Kismaayo kadib markii uu u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray tacshiirad uu huwiyay mid ka mid ah ilaaladiisa oo la sheegay in khilaaf uu soo kala dhex galay.

Kismaayo (SomaliSwiss) 18, March 2007 

Dilka taliyaha ayaa yimid kadib markii sida la sheegay uu muran soo kala dhex galay isaga iyo ilaaladiisa taasoo keentay in mid ka mid ah ilalaada uu rasaas furo ayadoo taliyaha uu ku dhaawacmay tacshiiradii ay fureen ilaaladiisa, waxaa sidoo kale tacshiiradaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladiisa iyo 2 rayid ah.

Taliye Cabdi Gaab ayaa dhaawaciiisa habeenimo la geeyay cusbitalka guud ee magaalada Kismaayo halkaasoo uu ku dhintay kadib markii sida la sheegay uu u geeriyooday dhiig bax ku yimid ayadoo la xaqiijiyay in dhaawaca uu ka soo gaaray lugta bidix, waxaana ka go’ay xididka halbowlaha.

Askarigii gaystay dilka taliyaha ayaa la sheegay in la dhigay xabsiga magaalada Kismaayo ayadoo ciidamada Kismaayo ay bilaabeen baaritaano la xiriira sababaha ka danbeeya dilka taliyaha ciidamada booliska magaalada Kismaayo oo lagu wado saacadaha soo socda in lagu aaso magaalada Kismaayo.

                                                 SomaliSwiss  Omar  

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: