Posted on March 16, 2007 by SomaliSwiss
Afgoye (SomaliSwiss) 16, March 2007 Â
Ugu yaraan lix qofood ayaa ku geeriyootay 4 kalena dhaawaca ayaa ka soo gaaray, ka dib markii qarax weyn uu ka dhacay maanta guri ku yaala degmada Afgooye ee gobolka Shabelaha hoose sida aay ku soo warameen dad ka ag dhawaa markuu qaraxaas dhacayay.
Lixda qof ee geeriyootay oo 3 caruur ay tahay ayaa waxaa ku qarxay bam aan la garaneyn wali waxa uu ahaa, iyadoo ay dadka qaar uheystaan qaraxaasi in uu ka dhashay bam ay ku haysteeyn guriga iyo in si kale wax loogu soo tuuray.
Qaraxaan oo ka dhacay guri ku yaala xaafadda Mbagati ee degmada Afgooye saakay 10:20 subaxnimo ayaa waxa uu sixun ugalay dadkii daganaa gurigaas oodhan iyadoo dadka qaarna ayba eegi waayeen sida uu u galay dadka kugeeriyooday qaraxaasi.
Ilaa iyo wali lama garanayo sababaha iyo cidda ka dambeysa qaraxaan ay ku nafwaayeen dad rayid ah.
Dadka qaar ayaa shegay in qaraxaas uu kadhashay wax yaabaha qarxa oo lagu haayay guriga ay cilad gashay kadibna qarxay.
Â
SomaliSwiss  Omar
mail Riix Halkaan
|
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Qarax weyn oo dhimasho & dhaawac sababay oo kadhacay Magaalada Afgoye
You must be logged in to post a comment.