Posted on March 15, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 15, March 2007
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ethiopia Syeum Musfin iyo wafdi balaaran oo u hogaaminaya ayaa caawa seexday Xarunta Madaxtooyadda ee Muqdisho kadib markii ay galabta soo gaareen.
Wasiirka ayaa kulan gaara la yeeshay Madaxweyne Yusuf iyagoo ka wada hadlay fariin uu Madaxweyne Yusuf u diray Ra’isulwasaarre Zenawi taas oo uu ku sheegay in xilka qaadis lagu sameeynayo Ra’isulwasaarre Geeddi.
Madaxweyne Yusuf ayaa Wasiir dibadeedka Ethiopia u sheegay in Ra’isulwasaarre Geeddi uu dhaawacay sharafta iyo karaamadda dowladda federalka ,isagoo si gaara ugu eedeeyay inuu ku shaqeeynayo qaab NGO ah ,taas oo ay ka cabteen dowladda badan oo Yurub ah.
Wasiir dibadeedka Ethiopia ayaa Madaxweyne Yusuf kula taliyay inuusan kula deg degin xilka qaadis Ra’isul wasaare Geeddi balse uu ka doodo ,soona bandhiggo qaladaadka cadeeymaha leh ee u ku kacay Cali Maxamed Geeddi.
Warar madaxbanaan oo laga helayo xafiiska Madaxweyne Yusuf ayaa sheegaya in shirkooda ay isku mari waayeen taasna ay sababtay in Wasiirka ku hoydo Muqdisho.
                      SomaliSwiss  Omar Â
mail Riix Halkaan
|
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Xil kaqaadis leysla mari waayey C/llaahi Yusuf & Syeum Musfin
Posted on March 15, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 15, March 2007
24 tii saac ee aanu soo dhaafnay ayaa kooxa hubeysan 3 qofood siyaabo kala duwan loogu dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho kuwaasoo mid ka mid ah uu kujiray ururada Bulshada rayidka ah ee ka howlgala Magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose.
Nika xalay ladilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ciise Cabdi Ciise oo madax u ah Hay’add u dooda xaquuqda aadanaha oo lagu Magacaabo Kasiima oo fadhigeedu yahay Magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose waxaana xalay kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ay ku toogteen asaga oo maraya wadada Olampic ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Qofka kale ee asna la dilay ayaa waxaa xalay kooxo hubeysan oo aan iyagana la garaneyn ay ku dileen isagoo maraya aga gaarka Masjidka xareed ee Magaalada Muqdisho.
kooxahaas oo ka qaatey ninkaasi sida ay noo xaqiijiyeen dad joobjoogayaal ah Mobile-ka gacanta lagu qaato oo uu sitay ninkaasi.
Nin kale ayaa Maanta duhurnimadii lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, Ninkaasoo lagu Magacaabo Cabdi Abuukar Maxamuud oo isagu goor dhow tagay Muqdisho, isagoo awal kasoo tagay Wadamada Yurub gaar ahaan wadanka Denmark si uu ubuuqdo eheladiisa.
Marxuum Cabdi Abuukar Maxamuud ayaa lasheegay in uu utagay Suuqa Bakaaraha si uu usoo sameeyso Bokin uu kulaabto wadankii uu awal katagay ee Denmark kadibna rag hubeysan oo aan heybtooda lagaraneyn ay toogteen.
Waxaana dhamaan falalkaasi dilalka ah ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho gun dhig u ah xaalada amaan daro ee kajirta Magaalada Muqdisho xiligaani oo marba marka ka danbeysa kasii daraysa.
SomaliSwiss  Omar Â
Email Riix Halkaan
|
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on 3 Qof oo siyaaba kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho
Posted on March 15, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 15, March 2007
Illaa iyo markii Ciidamada Ethiopia oo gacansiinaya Dowladda ay xooga kusoo galeen Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay canshuur xaq darra ah ku soo rogeen garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dadka ka baxayay iyo dadka soo degayay iyo alaabaha kale ee garoonkaasi laga dhoofiyo ama laga soo dejiyo. Canshuurtaan oo aheyd mid aad u xad-dhaaf ah ayaa waxaa dhibaato ku qabay Shacabka Soomaaliyeed ee isticmaali jirtay garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Dhowr jeer ayay shirakadaha Diyaaradaha damceen in ay gebi ahaanba joojiyaan duulimaadyada ay ku tagayaan Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho sababo la xiriira xagga canshuurta, hase yeeshee Dowladda Ethiopia iyo Dowladda soo hogaamisay ayaa diyaaradahaasi ku amray in aysan joojin Karin duulimaadyadooda haddii ay joojiyaana gebi ahaanba laga mamnuuci doono in ay yimaadaan gudaha dalka Soomaaliya.
Kadib markii Ciidamada Uganda oo ka tirsan Ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ay la wareegeen Garoonka ayaa dad goob-joogayaal ah waxay noo sheegeen in Ciidamada Uganda ay joojiyeen canshuurtii laga qaadi jiray garoonkaasi.
Haweeney kashaqeysa Garoonka ayaa waxa ay noo sheegtay in sababaha Ciidamada Uganda u joojiyeen canshuurtaasi ay tahay iyagoo doonaya in wixii ka soo baxay garoonkaasi si siman loogu qaybiyo Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaana inta laga heshiisiinayo dhamaan Ummadda soomaaliyeed.
Ciidamada Uganda oo si aad ah u ilaaliya garoonkaasi ayaa joojintii ay joojiyeen canshuurta waxaa si aad ah u soo dhaweeyay ummadda Soomaaliyeed ee kudhaqan Magaalada Muqdisho, iyadoo dhawaan mas’uul u hadlay Ciidamada Uganda uu sheegay in Ciidamada Uganda ay dhex dhexaad ka noqon doonaan arimaha Soomaaliya, islamarkaana ka shaqeyn doonaan sidii la isugu keeni lahaa Ummadda Soomaaliyeed.
Afhayeen u hadlay Midowga Afrika ayaa waxa uu sheegay in Mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah ay dib ugu soo laaban karaan gudaha dalka Soomaaliya isagoo intaa kudaray in uu dhamaaday madadaaladii beenta aheyd loona baahan yahay in laheshiisiiyo Umada Soomaaliyeed oo dhan, waxaana soo dhaweeyey shacabka Soomaaliyeed, oo sheegay inay wax ka tareyso dib u heshiisiinta la qaban doono.
  SomaliSwiss  Omar Â
Email Riix Halkaan |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Ciidamada Uganda oo joojiyay Canshuurtii xaq darrada aheyd ee laga qaadi jiray
You must be logged in to post a comment.